Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka degmada Gaalkacyo oo lagu wareejiyay qalab xafiiseed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qalabkaan oo isugu jiray ilaa iyo lix qeybood oo ay ka mid ahaayeen Kombiyuutaro, kaamirooyin iyo agabyo kale ayaa hay’adda shaqaalaha adduunka I.L.O ay maanta ku wareejisay maamulka degmada Galkacyo ee Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Madasha qalabkaan lagu wareejinayay waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socatay Hay’adda I.L.O iyo kuwa maamulka degmada Galkacyo.

Related posts

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026

Injineer Ciise Cumar Maxamed oo ku hgadlayay magaca hay’adda I.L.O oo isna goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyay maamulka degmada gaalkacyo sida ay markasta uga gacan siiyaan hay’adda I.L.O hirgalinta mashaariicda ay ka fuliyeen degmada Galkacyo

“Ugu horeyn waxaan uga mahad celinayaa maamulka degmada Gaalkacyo sida wanaagsan ee ay markasta nooga gacan siiyaan hirgelinta mashaariicda faraha badan ee aan ka fulinay Gaalkacyo waayo la’aantiin waxba nooma qabsoomeen sidaa darteed hay’adda I.l.O waxay markasta diyaar idinkula yihiin in ay idinka gacan siiyaan waxyaabaha aad u baahantihiin, gaar ahaan dhanka horumarinta adeegyada bulshada” ayuu yiri Injineer Ciise.

Duqa degmada gaalkacyo Bile Diini Cali ayaa tilmaamay in qalabka uu wax weyn ku soo kordhin doono adeegyada ay  bulshada u hayaan.

“Halkaan waxaad ku aragtaan qalab ka kooban lix sheey oo maanta oo ah 2 September 2015 ay nagu wareejisay Hay’adda I.L.O, waxaana qalabkaasi hadda si toos ah noogu keenay Injineer Ciise oo ka wakiil ah hay’adda I.L.O waana uga mahad celineynaa qalabkaas oo ay ka mid yihiin dhiski toobyo, borojaktar GPS iyo waxyaabo kale, waxaana rajeynayaa in dalka iyo dadka waxbadan u tari doonaan” ayuu yiri Bile Diini.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Talyaaniga

Next Post

Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah oo dil u geystay muwaadiniin Soomaaliyeed

Next Post
Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo  Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan

Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah oo dil u geystay muwaadiniin Soomaaliyeed

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

October 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay George Conway, Ku-xigeenka...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

October 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarig-jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In