Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Talyaaniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 2, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Xuseen Bantu
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Talyaaniga, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono bandhiga carwada caalamiga ah oo muddo lix bil ah ka socotay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Bandhig carweedka ayaa waxa ku jira madal loogu magac daray madasha maalgeshiga Soomaaliya, taasi oo ku beegan maalinta beri ah, waxaana sidoo kale jiri doona maalin gaar ah oo ay leedahay Soomaalida, isla markaana lagu soo bandhigi doono waxyaabaha ay caanka ku tahay Soomaaliya, iyadoo ay ka qeyb gali doonaan ganacsato Soomaaliyeed.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale 4-ta bisha waxa uu magaalada Roma kula kulmi doonaa Madaxweynaha Talyaaniga  oo ay ka wada hadli doonaan sidii dowladda Talyaaniga ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xaseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.

Bandhig carweedka Milano oo furmay 1-dii May ayaa socon doono 31-ka bisha October, waxaana ka qeybgalay in ka badan 145-dal, iyadoo dal waliba uu xafladda ku soo bandhigi doono awoodda xagga wax soo saarka iyo horumarka uu ka gaaray xagga teknoloojiyadda.

 

 

Previous Post

Wasiir Maareeye “Xukuumadda waxaa ka go’an inay dhiirigeliso qoroyaasha afka Soomaaliga”

Next Post

Maamulka degmada Gaalkacyo oo lagu wareejiyay qalab xafiiseed

Next Post
Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Maamulka degmada Gaalkacyo oo lagu wareejiyay qalab xafiiseed

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In