Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Xukuumadda waxaa ka go’an inay dhiirigeliso qoroyaasha afka Soomaaliga”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 2, 2015
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka, Wasiirka Waxbarashada,  Xildhibaanno, Guddoomiyaha Ururka Haweenka, Qaranka iyo qurba joog ayaa ka qeybgalay casho sharaf xalay loo sameeyay  qoraaga Maxamed Sheekh Xasan oo bandhigii Buugaagta kaga qeybgalay magaalada Muqdisho.

Kooxda Waabari ayaa daahfurka xafladda ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa wadaniyadda iyo kuwa lagu soo dhaweynayo qoraaga Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in mecno weyn ay sameeneyso in qoraaga wixii uu bartay uu kula soo noqdo Dalka, isla markaana uu qoro buugaag badan oo dalka ka hadlaya.

“Runtii waxa ay mudnaayeen munaasabad midaan ka weyn waayo kaligooda waxa ay sideen inay wadanka kula soo noqdaan, waa mid bogaadin mudan, nabadda isbadalka Dalka ayaa keenay soo dhaweyntiina”ayay tiri Batuulo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo soo agaasimay barnaamijkaan ayaa sheegay in Maxamed Sheekh uu kaalin ka qaatay in aysan lumin taariikhda Soomaaliya, isla markaana uu mudanyahay in lagu deysado.

“Maxamed iyo Marwadiisa, waxa ay door muuqda ka qaateen inay uruurriyaan tariikhda iyo Afka Soomaaliga ah, taasi oo gacan ka geystay in uusan luminka Afka, runtii soo dhaweyn ayey mudan yihiin”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Qoraaga Maxamed Sheekh Xassan ayaa kula taliyay Dowladda inay yeelato siyaasad lagu horumarinayo dhaqanka oo ay u istaagto in la sameeyo sharci lagu dhaqayo siyaasadda.

“Dowladda waa  in iyada oo aan gacan kale ku tashan ay yeelato siyaasad ay ku horumariso dhaqanka ayna dib usoo celisaa Xarumihii Dhaqanka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ugu baaqay qurba-joogta kale in si la mid ah Qoraaga ay maskaxdooda iyo dhaqaalahooda u galiyaan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.

“Inkastoo Dowladda aysan weli gaarin halkii loo baahnaa, haddana waxaan naga go’an in taariikhda la qoro, howsha uu hayo Maxamed waa qeyb ka mid ah howsheena”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Qoraaga Maxamed Sheekh Xassan ayaa gaba-gabadii xaflada casho sharafta ah, waxa uu soo bandhigay buug uu ka qoray fanka Soomaaliya oo uu ku wareejiyay Kooxda Waabari iyo boorar sawir ka bixinaya dhaqanka Soomaalida.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Talyaaniga

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Xuseen Bantu

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Talyaaniga

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In