Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Kaxda oo hirgeliyay waddooyin horleh

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Kaxda oo hirgeliyay waddooyin horleh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degmada  Kaxda   ee  Gobolka  Banaadir ayaa waxaa ka socday mudooyinkii la soo dhaafay  dadaalo lagu furayo  wadooyin horleh iyo dayactirka wadooyin burbursanaa  oo  caqabad  ku ahaa  dadka iyo Gaadiidka  Dadweeynaha.

Maamulka   iyo  qaybaha bulshada  oo iskaashanaya  ayaa ku  guulaystay    furidda  ilaa iyo  65 waddo   oo   dhex  mara  xaafadaha  Degmadaasi,  taasi  oo bilaw u ahayd  qorshaha Maamulka  dib ugu  soo  noolaynayo   kaabayaasha   adeegga bulshada  ee Degmada,   isagoo ka jawaabaya  baahida   dadka Degmada  ay uqabaan inay helaan wadooyin   ay isaga  kala gooshaan  si   meesha  ay uga baxdo dhibaatooyinkii iyo cariirigii   marista  wadooyinka   ee ay ku qabeen Gaadiidlayda iyo dadweynuhu intaba  .

Related posts

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

March 7, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026

Wajigii labaad  ee  qorsha dib u dhiska  waddooyinka  Degmada Kaxda ayaa  saakay bilawday,   ayadoo  ay socdaan  furidda  ilaa iyo 70  waddo  oo  dhaxmara  Waaxyaha Degmadaasi, taasi oo wadarta Guud  ee Dhismaha Wadooyinka la furayo ka dhigaysa 135  wado  Sida uu Sheegay  Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi.

Dhinaca kale  Guddoomiyaha  Degmada  Kaxda   Maxamed  Ismaaciil Cabdullaahi ayaa intaa ku daray in isku tashi Wadajir ah  oo ay sameeyeen  Maamulka  iyo  Qaybaha  Bulshada  Degmada   lagu guulaystay  dhismaha iyo  furida  Wadooyin horleh   oo dhaqaalaha ku baxaya  ay iska soo arruuriyeen  Qaybaha  Bulsahada.

Degmada  ayaa  waxaa ku yaala  Ceelbiyoodyo  aan sidaa u badnayn, taasi oo muujinaysa  baahida bulshada  u qabaan helidda biya Nadiif ah    inkastoo Maamulka Degmada  uu   wado   dadaalo  meesha looga Saarayo  Biya yarida  Degmadaasi.

Maamulka degmada ayaa tilmaamay in degmadu ay ku yaalaan isbitaalo si gaar ah loo leeyahay, kuwaasi oo aan dabooli karin baahiyaha caafimaad ee degmada, loona baahanyahay in la helo xarumo caafimaad oo bulshada loogu adeegayo.

Previous Post

Ciidamada Mareykanka oo duqeyn u geystay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.

Next Post

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 5aad” Akhriso+Dhageyso

Next Post
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 3aad” Akhriso+Dhageyso

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 5aad” Akhriso+Dhageyso

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT),...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Arusha ee...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In