Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Mahaddaay oo ka hadlay deegannadii laga xoreeyay Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada:  Ammaanka iyo horumarka ka jira degmada Mahadaay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in adeegyada bulshada ay ka hirgeliyaan deegaanadii laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab ee Degmada Hoosyimaada, si bulshada ay u hesho adeegyada aas aasiga u ah nolosha.

Guddoomiyaha Degmada Mahaddaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay Shabaabku ku dhibaateyn jireen shacabka, waxaana uu intaa ku daray in deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab loo baahanyahay in laga hirgeliyo adeegyada bulshada.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

“Ceel baraf, Meeyrtuugo, Cali-fooldheere, Caadleey, Qurac Madoobe iyo kuwa kale , mana ka jirto degaannadaasi adeegyadii bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo waxyeelo kale oo muhiim u ah bulshada, maadaama sanado badan ay dhibaato ku hayeen” ayuu yiri Axmed Xuseen Afrax Guddoomiyaha Degmada Mahadaay

Guddoomiyaha Degmada Mahaddaay ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in maamulkooda gacan lagu siiyo sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii kala duwanaa ee ay u baahnaayeen shacabka, isla markaana ay jiraan waddooyin dib u dayactir ah u baahan.

Previous Post

Kulamo lagu xoojinayo amniga oo ka socda Wanlaweyn

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In