Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool oo guddiga xaafadda Shiidle ku wareejiyey dhismo ay ku shaqeeyaan “SAWIRR”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool oo guddiga xaafadda Shiidle ku wareejiyey dhismo ay ku shaqeeyaan “SAWIRR”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiyada shanta xaafadood ee ka dhisan magaalada Xudur waxay si dhow ula shaqeeyaan maamulka dowladda Hoose ee Xudur oo ay kala shaqeeyaan nadaafadda deegaanka la socodka dadka xaafadaha soo dega iyo mid ugu weyn oo amniga kala qeyb qaataan laamaha amaanka, iyagoo baaritaanno ku sameeya dadka soogala magaalada, waxana si iskaa ah ay howlahaan u wadaan mudo ka badan 7 sano.

Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa guddiga xaafada Shiidle ee magaalada Xudur ku wareejiyey dhismo ka kooban hal hool iyo laba musqulood oo hirgelisay Hay’ada ACF, kaasi oo ay horey uga codsadeen in loo dhiso hool si kulamada qaarka ah ee guddiga xaafadda ugu qabsadaan.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Ugu horeyn munaasadda waxa ka hadlay Madaxa Mashruuca Hormarinta Bulshooyinka ee British Cabdulaahi Xasan Aadan in maamulka iyo bulshada dadal badan geliyeen hirgelinta mashruucaan.

Qaar ka mid ah guddiga xaafada Shiidle ayaa ka mahadceliyey dhismada ay la wareegeen oo u noqon doonto rug ay ku kulmaan.

Wardheere Axmed Cabdi oo ah  xubin ka tirsan xafiiska dib u dhiska maamulka degmada Xudur iyo Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo hay’ada ACF u mahadceliyey ayaa dhinackale bulshada xaafadda Shiidle la dardaarmay inay ilaashadaan goobta lagu wareejiyay, ayna xoojiyaan la shaqeynta laamaha ammaanka iyo maamulka Degmada.

Previous Post

Wasiirka maaliyadda iyo danjiraha Turkiga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah +Sawirro

Next Post

Warka Duhurnimo

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Warka Duhurnimo

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In