Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gaalkacyo oo kulan looga hadlayay arrimaha gagaarka la qaatay Madaxda Hay’ado Caalami ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gaalkacyo oo kulan looga hadlayay arrimaha gagaarka la qaatay Madaxda Hay’ado Caalami ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo uu weheliyo xoghayaha Dowladda hoose Mudane Cabdiqani Axmed Maxamuud ayaa shir gudoomiyay kulan heerkiisu sareeyo oo u dhexeeyay Dowladda hoose ee Degmada Gaalkacyo iyo hay,adaha Caalamigaa ee hoostaga Qaramada Midoobay iyo kuwa maxaligaa ee ka hawlgala Gaalkacyo kana dhacay xarunta Maamulka Degmada , kaasi oo diiradda lagu saaray, qiimeynta iyo dib u eegista mashaariicda hadda socota, caqabadaha hortaagan , isla xisaabtanka iyo horumarinta Degmada Gaalkacyo.

Dhamaan wakiilada ka socday hay’adaha Caalamigaa ee UN-ka iyo kuwa maxaligaa ayaa shirka ku soo bandhigay mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan Degmada Gaalkacyo iyo caqabadaha hortaagan ee fududeynta u baahan iyo yoolkooda ku aadan taageerista hawlaha  horumarineed ee ay waddo Dowladda hoose ee Degmada Gaalkacyo , iyagoo maamulka degmada ku amaanay wada shaqaynta uu hay’adaha caalamigaa iyo kuwa maxaligaa la leeyahay iyo shaqada baaxadda leh ee ka socota xarunta Dowladda hoose ee shirku ka dhacay.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo shirka soo xiray ayaa ugu horeyn hay’adaha Caalamigaa iyo kuwa maxaligaa ee ka hawlgala Gaalkacyo kaga mahadceliyay soo ajiibitaanka kulanka ay isugu yeertay Dowladda hoose iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Maamulka Degmada , isagoo shaaca ka qaaday in ay dib u eegis dhameystiran iyo isla xisaabtan u baahan yihiin mashaariicda hadda ka socota Gaalkacyo si looga jawaabo baahiyaha aas aasigaa ee bulshada , loona taageero horumarinta adeegyada danta guud ee ay bulshada baahida weyn u qabto , haddana ay dardar gelinta kuwada Dowladda hoose ee Degmada Gaalkacyo.








Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Madaxda hay’adda Qatar Charity 

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In