Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Galmudug oo been abuur ku tilmaamay in ay qayb ka ahaayen dagaaladii Dhuusa-marreeb

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Max’uud aadan Cusmaan Masagawaay oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay maqleen dagaalada ka dhacay xalay ilaa saakay magaalada Dhuusa-marreeb, waxaase uu sheegay in aysan qayb ka ahayn dagaaladaasi.

“ Waan maqleynay eedeynta lakin waxaan leenahay waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, sargaal ciidamo gooni ah wata ayaa naloo sheegay in dagaalka uu qaaday balse anaga waxba kama ogin, mana jirto sabab aan u inkirno haddaan qayb ka nahay, maamulkeenuna diyaar uma ahan in dhuusa-marreeb ay dagaal ku aado, waxaan ku aadeynaa wax ka baddalan” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Max’uud aadan Cusmaan Masagawaay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” dhuusa-marreeb waa caasimadda maamulka Galmudug, mana ka mid ahan qorshaheyna in aan dagaal ku aadno, waxaan rabnaa wada hadal iyo xal nabadeed in aan ku aadno, marwalbana qorshaheenu waxa uu yahay in aan la hadalno cidkastaa oo wada hadal ogol, marka laga reebo shabaab oo aan ogoleyn wada hadal iyo walaalnimo”

Ugu dambeyn wasiirka Warfaafinta maamul goboleedka Galmudug Max’uud aadan Cusmaan Masagawaay ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamay magaalada dhuusa-marreeb in ay dadka xabadda ka daayaan, oo ay dagaalka wada hadal ku badalaan” waa in aan baranaaa dabeecadda wada hadalka ee aanan gacan ka hadal wax ku raadin, waxaana fariintaas u dirayaa dadka ku dagaalamayaa dhuusa-mareeb” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug.

Hadalka wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa imaanaya xilli xalay ilaa maanta ay dagaalo ka dheceen magaalada dhuusa-marreeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana dagaaladaasi ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac dad weyne, waxeyna mas’uuliyiinta Ehlu sunna ee ku sugan dhuusa-marreeb ay ku eedeyeen dagaaladaasi maamulka Galmudug, iyadoo Galmudugna ay wax kama jiraan ku tilmaantay.

Previous Post

Xaaladda Dhuusa-marreeb oo deggan

Next Post

Wasiirada Arrimaha Gudaha Carabta oo ka wada hadlaya arrimaha amaanka ee dalalkooda, Sawirada

Next Post
Wasiirada Arrimaha Gudaha Carabta oo ka wada hadlaya arrimaha amaanka ee dalalkooda, Sawirada

Wasiirada Arrimaha Gudaha Carabta oo ka wada hadlaya arrimaha amaanka ee dalalkooda, Sawirada

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In