Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa walaac ka muujiyay biyo la’aan ka jirta degaanno ka tirsan Gobolka Mudug, kaddib socdaal ay ku tageen deegaannada ay biyo la’aantu ka jirto, waxaana ay ku baaqeen in la caawiyo dadka ay arrintaasi saameysay.

Wasiirka Kalluumeysiga, dekadaha iyo Kheyraadka badda Galmudug Cabdiqaadir Cali Jaamac iyo xubno kale oo la socday oo dhawaan socdaal ku tegay deegaanada ay biyo la’aanta ka jirto ayaa sheegay in ay soo arkeen ceelashii biyaha oo qaarkood guray, halka kuwa kale aysan lahayn Matooro lagu isticmaalo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Ceel Guula, Bijeella, Ceel dhibir, waa meelaha ugu xoolaha badan deegaanada Galmudug, runtii halkaasi waxaan ku soo aragnay biyo la’aan, matooro ma lahan ceelasha, roob unbey ka helaan biyaha, ceelasha qaar dadkii qodayay ayay ku dumeen, marka waxaan rabnaa in loo gurmado dadka ay biyo la’aantu ku haysato deegaannada aan soo sheegay” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Cabdiqaadir Cali Jaamac ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo beesha caalamka inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka biyo la’aanta ku haysata deegaanno ka tirsan Maamulka Galmudug.

Previous Post

Qaar ka mid ah dhaawacyadii Hotel Central oo caafimaad dibadda ah loo qaaday

Next Post

Arday loo soo gabo gabeeyay siminaar ku saabsan hal abuurnimada “SAWIRRO”

Next Post
Arday loo soo gabo gabeeyay siminaar ku saabsan hal abuurnimada “SAWIRRO”

Arday loo soo gabo gabeeyay siminaar ku saabsan hal abuurnimada “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In