Tuesday, May 24, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka oo iska kaashanaya Horumarinta Adeegyada Caafimaadka Caasimadda

June 12, 2018
in Wararka
0
Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka oo iska kaashanaya Horumarinta Adeegyada Caafimaadka Caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

May 24, 2022
Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

May 24, 2022

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka DFS ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa baahinta adeegyada Caafimaadka ee Caasimadda.Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur iyo howlwadeenada Wasaaradda, waxana dood dheer laga yeeshay sidii loo wanaajin lahaa tayada adeegyada iyo faya-dhowrkooda, si bulshadu u helaan adeeg caafimaad tayo sare leh.

“Waxaan ka wada hadalnay Wasaaradda isku xirka adeegyada Caafimaadka iyo sidii loo horumarin lahaa caafimaadka Gobolka Banaadir, maadaama bulshada ugu badan Gobollada dalka ay ku nool yihiin Caasimadda, waxaa lagama maarmaan ah in la helo nidaam caafimaad la isku halayn karo.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Mudane Eng. Yarisow ayaa ku tilmaamay kulankan dhex maray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka XFS mid dhabaha u xaaraya in dadka Caasimaddu ay helaan adeegyo Caafimaad oo tayo leh, isla markaana labada dhinac ka wada shaqeyn doonaan hirgelinta arrintan.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir wada-shaqeynta kala dhaxeysa iyo sida ay mar walba diyaar ugu yihiin in Shacabka ku nool Caasimaddu in ay helaan adeeg Caafimaad wanaagsan

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Dowlada Sweden

Next Post
Wasiirka Qorsheynta XFS oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Dowlada Sweden

Wasiirka Qorsheynta XFS oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Dowlada Sweden

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

May 24, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin ka...

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

May 24, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya marwo,  Khadiija Maxamed Diiriye oo ay wehlinayaan Agaasimaha Guud, Axmed Abuukar Axmed,...

Guddoonka Golaha Shacabka oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Taliye Xijaar

Guddoonka Golaha Shacabka oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Taliye Xijaar

May 24, 2022
0

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Guddoomiyihii guddiga Amniga Doorashooyinka ahna Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergayga abaaraha u magacaabay Xildhibaan CC Shakuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergayga abaaraha u magacaabay Xildhibaan CC Shakuur

May 24, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In