Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka G/Banaadir oo Mamnuucay in Makhaayadaha iyo Hoteellada Liido aysan furnaan karin waxii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kulanka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir oo qodobo laga soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Oktoobar 24 2018— Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa amar ku bixiyey in Makhaayadaha iyo Hoteellada ku yaalla Xeebta Liido aysan furnaan karin waxii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe .

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir marnaba uusan aqbali karin wax walba oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka iyo Anshaxa Suuban ee Soomaaliyeed, goobtii ganacsi iyo ciddii arrintaa lagu helana laga qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.

“Maamulka Gobolka Banaadir isagoo tixgelinaya cabashooyin kala duwan oo kasoo gaaray bulshada, waxuu joojiyay in wixii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe aysan furnaan karin makhaayadaha ku yaalla Xeebta Liido. Makhaayaddii ama Hoteelkii lagu helo wax ka soo horjeeda Diinteena, anshaxa suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waa la xiri doonaa”.

Eng. Yarisow ayaa xusay in marnaba aan la aqbali karin xadgubyo loo geysto gabdhaha Soomaaliyeed, arrintaas oo ah faldanbiyeed culus cid walba oo ku lug-yeelatana aysan ka fakan doonin Caddaaladda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka bulshada ku nool Caasimadda, isagoo faray hay’adaha Amniga in tallaabo ay ka qaadaan cid walba oo u hoggaansami weyda awaamiirta Maamulka.

“Xeebta Liido waa goob shacabku isagu yimaado laguna nasto ,mana lagu isticmaali karo wax maandooriye ah noocuu doono ha-ahaadee, cid walba oo falkaas ku kacdana, waxaa Hay’adaha amniga la farayaa in tallaabo ay ka qaadaan sharcigana horkeenaan”.

 

–DHAMMAAD–

Previous Post

Wasiir Beyle “Waxaan Dawlad Gobaleedyada ka codsanaynaa in ay soo diraan xisaab celinta lacagahii hore iyo dalabka lacagta cusub”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XSF oo ka qeybgalay dabaal degga Dhaqan ee Carabta iyo Shiinaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XSF oo ka qeybgalay dabaal degga Dhaqan ee Carabta iyo Shiinaha “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XSF oo ka qeybgalay dabaal degga Dhaqan ee Carabta iyo Shiinaha "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In