Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka G/Banaadir oo Mamnuucay in Makhaayadaha iyo Hoteellada Liido aysan furnaan karin waxii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 24, 2018
in Wararka
0
Kulanka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir oo qodobo laga soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Oktoobar 24 2018— Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa amar ku bixiyey in Makhaayadaha iyo Hoteellada ku yaalla Xeebta Liido aysan furnaan karin waxii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe .

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir marnaba uusan aqbali karin wax walba oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka iyo Anshaxa Suuban ee Soomaaliyeed, goobtii ganacsi iyo ciddii arrintaa lagu helana laga qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.

“Maamulka Gobolka Banaadir isagoo tixgelinaya cabashooyin kala duwan oo kasoo gaaray bulshada, waxuu joojiyay in wixii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe aysan furnaan karin makhaayadaha ku yaalla Xeebta Liido. Makhaayaddii ama Hoteelkii lagu helo wax ka soo horjeeda Diinteena, anshaxa suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waa la xiri doonaa”.

Eng. Yarisow ayaa xusay in marnaba aan la aqbali karin xadgubyo loo geysto gabdhaha Soomaaliyeed, arrintaas oo ah faldanbiyeed culus cid walba oo ku lug-yeelatana aysan ka fakan doonin Caddaaladda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka bulshada ku nool Caasimadda, isagoo faray hay’adaha Amniga in tallaabo ay ka qaadaan cid walba oo u hoggaansami weyda awaamiirta Maamulka.

“Xeebta Liido waa goob shacabku isagu yimaado laguna nasto ,mana lagu isticmaali karo wax maandooriye ah noocuu doono ha-ahaadee, cid walba oo falkaas ku kacdana, waxaa Hay’adaha amniga la farayaa in tallaabo ay ka qaadaan sharcigana horkeenaan”.

 

–DHAMMAAD–

Previous Post

Wasiir Beyle “Waxaan Dawlad Gobaleedyada ka codsanaynaa in ay soo diraan xisaab celinta lacagahii hore iyo dalabka lacagta cusub”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XSF oo ka qeybgalay dabaal degga Dhaqan ee Carabta iyo Shiinaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XSF oo ka qeybgalay dabaal degga Dhaqan ee Carabta iyo Shiinaha “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XSF oo ka qeybgalay dabaal degga Dhaqan ee Carabta iyo Shiinaha "SAWIRRO"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In