Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka gobalka Benaadir oo garoonka Aadan Cadde ka hir geliyay xarun laga helo adeegyada dowladda hoose+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka gobalka Benaadir oo garoonka Aadan Cadde ka hir geliyay xarun laga helo adeegyada dowladda hoose+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026

 Maamulka gobolka Benaadir oo mudooyinkii dambe xooga saareyay sidii bulshada caasimadda kunool ay u heli lahaayeen adeegyada ay dowlada hoose bixiso iyagoo jooga degmooyinkooda ayaa maanta garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxa uu ka hirgaliyay xarunta adeegyada dowlada hoose, waxaana si wadajir ah xariga uga jaray wasiir kuxigeenka Maaliyadda ee xukuumada Soomaaliya iyo gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir.

Xafiiskan ayaa bixin doono afar adeeg oo muhiim ah kuwaasi oo kala ah.

Shatiyada Ganacsiga.
Diiwaangalinta shirkadaha iyo NGO-yada.
Faya dhowrka garoonka diyaaradaha,
Buugga Caafimaadka.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobolka Benaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) ayaa ka sheegay munaasabadda furiteenka in ahmiyad gaar ah ay u leedahay ka maamul ahaan in ay bulshadooda u dejiyaan hoos adeegyada uu bixiyo Maamulka Dowladda-Hoose.

Wasiir kuxigeenka wasaarada maaliyadda dowlada Soomaaliya mudane Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow ayaa tilmaamay in wasaaradda ay la shaqeyn doonto dowladda hoose si loo horumariyo adeegyada aas aasiga ah.

Intaasi kadib ayaa guddoomiye Tuulax waxa uu madaxa xafiiska la hir geliyay  ku wareejiyay gaadiid gaar ah oo loogu talagalay in lagu fuliyo adeegyada ay dowlada hoose ee Xamar ka bixin doonto garoonka Aadan Cade.

Previous Post

Madaxweyne Ordugan oo bilaabay isbedelkiisa siyaasadeed

Next Post

Munaasabad soo dhaweyn ah oo Baydhabo loogu sameeyey Wafdiga uu hogaaminayo kusimaha Madaxweynaha “Sawirro”

Next Post
Munaasabad soo dhaweyn ah oo Baydhabo loogu sameeyey Wafdiga uu hogaaminayo kusimaha Madaxweynaha “Sawirro”

Munaasabad soo dhaweyn ah oo Baydhabo loogu sameeyey Wafdiga uu hogaaminayo kusimaha Madaxweynaha "Sawirro"

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In