Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobalka Mudug oo Bilaabay Biyo Dhaamin Socon Doonta Muddo Bil ah ‘SAWIRO’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobalka Mudug oo Bilaabay Biyo Dhaamin Socon Doonta Muddo Bil ah ‘SAWIRO’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gurmadkaan biyo dhaamintaa oo socon doona muddo bil ah isla markaana ay maal galineyso Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM ayaa maamulka gobalka Mudug ee Galmudug waxa uu ka bilaabay qaar ka mid ah deegaanada gobalka. kuwaasi oo ay ka jiraan biyo la’aan heysata dadka iyo duunyada goobahaasi ku nool.

Cawil Nuur Gufaaco oo ku hadlayay magaca Hay’adda barnaamijkan maal galineysaa ee IOM ayaa usharaxay warbaahinta Qaranka tirada goobaha loogu tala galay in la gaarsiiyo Biyo Dhaamintaan, waxaana uu yiri (Maanta waxaan joognaa deegaanka Gal cadale oo ka tirsan dagmada Hobyo ee Gobalka Mudug oo aan ka wadno biyo dhaamis ay bixisay Hay’adda IOM Hay’adda oo bilowday 25-kii Febaraayo kuwaasi oo ku eg 25 Maarso biyaha
dhaamintana hay’addu waxay ka wadaa 23 goobood oo ka tirsan Gobalka Mudug, waxaan rajeynayaa in talaabadaan ay yareyn doonto baahida biyood ee heysta dadka ay abaartu saameeysay).
Qaar ka mida dadkii biyo dhaaminta loo sameeyay ayaa iyagu dhankooda ka mahad celiyay, iyagoo xusay in ay baahi weyn u qabeen iyagoo dhanka kalena xusay in biyo dhaaminta loo sameeyay iyo gurmadyada kale ee soo gaaray aysan ku filneyn baahidooda ayna codsanayaan in lasoo gaarsiiyo taakuleyn intaan ka badan.
Guddoomiye ku xigeenka Arimaha maamulka iyo maaliyadda Gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) ayaa mahad celin kadib sheegay in ay jiraan baahiyo intaan ka badan loona baahan yahay in la kordhiyo biyo dhaaminta iyo Gurmadyada kale ee  loo sameynayo dadka ay abaartu wax yeeleeysay.
Gurmadyadaan loo sameynayo Qoysaska ay abaaruhu saameeyeen ayaa ah kuwo aan dabooli karin baahida heysata kumanaanka Qoys ee ku xoola beelay abaaraha ka jira Gobalka Mudug, maadaama abaartu ay bulshada gobalka Mudug iyo guud ahaan Soomaaliya ay u saameysay si isku mid ah dhamaantoodna ay u baahan yihiin in la samata bixiyo dadka mar haddii ay ka dhamaadeen intooda badan xoolihii ay dhaqan jireen isla markaana
udub dhaxaadka u ahaa nolashooda

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo)

Previous Post

Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka oo si weyn uga hadlay abaaraha dalka ka jira “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In