Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka gobolka Bakool oo lagu wareejiyay qalab caafimaad-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka gobolka Bakool oo lagu wareejiyay qalab caafimaad-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa sidii maamulka gobolka Bakool loogu wareejin lahaa qalabk caafimaad oo loogu tagalay isbitaalka magaalada Xudur kaas oo ay soo dhiibeen jaaliyadda ka soo jeeda gobolkaas oo ku dhaqan dalka Mareykanka, qaaradda Yurub, Australia iyo meelo kale oo caalamka kamid ah isla markaana ay halkan ay soo gaarsiisay hey’adda Arlaadi Aid oo fadhigeedu yahay Mareykanka.

Waxaana kulanka ka qeybgalay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin maamulka koofur galbeed ka tirsan, guddoomiyaha gobolka Bakool iyo xubno kale.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Maxamed Macalim Cabdi, oo ka wakiil ahaa hey’adda qalabka caafimaad loo soo dhiibey isla markaana ku wareejisay maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay in ka hey’ad ahaan ay guteen amaanadii loo soo dhiibay.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall, oo qalabka lagu wareejiyay ayaa u mahadceliyay jaaliyadda iyo hey’adda Arlaadi Aid, isagoo sheegay in ay ugu adeegi doonaan qalabkan dadkii loogu talagalay.

Isagoo sidoo kale u mahadceliyay hey’adda DDG oo gacan ka geystay in qalabkan caafimaad la gaarsiiyo magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana uu intaa ku daray in hey’addaas mashaariic badan ka fulisay gobolkaas.

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana hadlay kulanka ayaa sheegay in ay jaaliyadda qalabka soo dhiibtey ay mudan yihiin ku dayasho, maadaama ay sameeyeen wax qabad muuqda oo loogu adeegaayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Bakool.

Qalabkan caafimaad ayaa qiimahiisa ka badan yahay 200 kun oo doolar, isla markaana uu ku so aaday waqti ay baahi badan oo dhanka qalabka iyo dawada ay ka jirta, maadaama guud ahaan gobolka Bakool uusan ka jirin isbitaal laga helo adeegyada caafimaadka oo dadka u baahan yihiin.

13652500_756488407826560_1204716377_n 13664864_756488424493225_1477706735_n 13689615_756488964493171_507147635_n 13706305_756489021159832_1066677300_n

Previous Post

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo Qabtay Gaari lagu weerari lahaa mid ka mida Hotelada Muqdisho.

Next Post

Golaha wasiirada oo ka hadlay dardargelinta howlgalada ka dhan ah Al-shabaab

Next Post
Golaha wasiirada oo ka hadlay dardargelinta howlgalada ka dhan ah Al-shabaab

Golaha wasiirada oo ka hadlay dardargelinta howlgalada ka dhan ah Al-shabaab

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In