Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga oo ka wada hadlay dardargelinta Amniga+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga oo ka wada hadlay dardargelinta Amniga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Shirka Guddiga Amniga Gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Kusimaha Guddoomiyeha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, taliyeyaasha heer Federaal iyo heer gobol ee ciidammada Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa waxaa lagaga hadlay xaaladaha guud ee amniga caasumadda, gaar ahaan qaraxii argagixso ee lagu beegsaday Xarunta Wasaaradda Amniga.

Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay laamaha ammaanka ee gacanta ku haya baaritaanka lagu sameeynayo su’aalaha la xiriira qaraxaas, iyagoona tilmaamay sida ay uga go’antahay in ay soo bandhigaan gaabkii amni ee dhacay iyo la xisaabtanka cid kasta oo gudan weeyday masuuliyadda kaga aaddanayd ka hortagga dhagarta argagixisada Alshabaab ee ay ku dhibaateeyeen shacabka Gobolka Banaadir.

Guddiga Amniga Gobolka ayaa ku bogaadiyey bulshada Gobolka Banaadir kaalinta ay ka qaateen yareeynta iyo ka hortagga qorshayaasha argagixisada Alshabaab ay ku dhibaateynayaan shacabka, amniga iyo harumarka Gobolka Banaadir.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka ahna Kuxigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo la dardaarmayey saraakiisha ammaanka ayaa yiri; “Waa in aad dardar gelisaan qorshayaasha aad ku sugeysaan amniga Caasimadda, idinkoo lakaashanayana shacabka, si aan uga guuleysano argagixsada mar walba dhibaatada u geysanaya nafta iyo maalka shacabkeena, taasna waa mid inoo ka baahan dadaal iyo masuuliyad dheeraad ah”.

Dhanka kale, Guddiga Amniga Gobolka ayaa sheegay in qorshaha dalka lagaga xoreeynayo argagixisada Alshabaab ee ay ku howllantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalin wayn ka qaadan doonaan bulshada Gobolka Banaadir, maadama dabar gooynta argagixasada ay mudnaan gaar ah u leedahay horumarka iyo ganacsiga Gobolka.

Ugu Danbayntii, dhammaan xubnaha Guddiga Aminiga Gobolka Banaadir ayaa hoosta ka xariiqay in laamaha ammaanka ee heer Federaal iyo heer gobolba ay tallaabooyin muuqda u qaadeen xasilinta amniga Caasimadda bilihii la soo dhaafay, isla markaasna ay tahay in ay laba-laabaan dadaalka ay habeen iyo maalinba ugu jiraan ilaalinta amniga shacabka iyo hantdoodaba.

Previous Post

Shirkii ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Dastuurka iyo Arrimaha Gudaha oo miradhal noqday+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Guddiga Dhaqaalaha Dalka.”Sawirro”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Guddiga Dhaqaalaha Dalka.”Sawirro”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Guddiga Dhaqaalaha Dalka.”Sawirro”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In