Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga oo ka wada hadlay dardargelinta Amniga+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga oo ka wada hadlay dardargelinta Amniga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Shirka Guddiga Amniga Gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Kusimaha Guddoomiyeha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, taliyeyaasha heer Federaal iyo heer gobol ee ciidammada Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa waxaa lagaga hadlay xaaladaha guud ee amniga caasumadda, gaar ahaan qaraxii argagixso ee lagu beegsaday Xarunta Wasaaradda Amniga.

Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay laamaha ammaanka ee gacanta ku haya baaritaanka lagu sameeynayo su’aalaha la xiriira qaraxaas, iyagoona tilmaamay sida ay uga go’antahay in ay soo bandhigaan gaabkii amni ee dhacay iyo la xisaabtanka cid kasta oo gudan weeyday masuuliyadda kaga aaddanayd ka hortagga dhagarta argagixisada Alshabaab ee ay ku dhibaateeyeen shacabka Gobolka Banaadir.

Guddiga Amniga Gobolka ayaa ku bogaadiyey bulshada Gobolka Banaadir kaalinta ay ka qaateen yareeynta iyo ka hortagga qorshayaasha argagixisada Alshabaab ay ku dhibaateynayaan shacabka, amniga iyo harumarka Gobolka Banaadir.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka ahna Kuxigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo la dardaarmayey saraakiisha ammaanka ayaa yiri; “Waa in aad dardar gelisaan qorshayaasha aad ku sugeysaan amniga Caasimadda, idinkoo lakaashanayana shacabka, si aan uga guuleysano argagixsada mar walba dhibaatada u geysanaya nafta iyo maalka shacabkeena, taasna waa mid inoo ka baahan dadaal iyo masuuliyad dheeraad ah”.

Dhanka kale, Guddiga Amniga Gobolka ayaa sheegay in qorshaha dalka lagaga xoreeynayo argagixisada Alshabaab ee ay ku howllantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalin wayn ka qaadan doonaan bulshada Gobolka Banaadir, maadama dabar gooynta argagixasada ay mudnaan gaar ah u leedahay horumarka iyo ganacsiga Gobolka.

Ugu Danbayntii, dhammaan xubnaha Guddiga Aminiga Gobolka Banaadir ayaa hoosta ka xariiqay in laamaha ammaanka ee heer Federaal iyo heer gobolba ay tallaabooyin muuqda u qaadeen xasilinta amniga Caasimadda bilihii la soo dhaafay, isla markaasna ay tahay in ay laba-laabaan dadaalka ay habeen iyo maalinba ugu jiraan ilaalinta amniga shacabka iyo hantdoodaba.

Previous Post

Shirkii ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Dastuurka iyo Arrimaha Gudaha oo miradhal noqday+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Guddiga Dhaqaalaha Dalka.”Sawirro”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Guddiga Dhaqaalaha Dalka.”Sawirro”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Guddiga Dhaqaalaha Dalka.”Sawirro”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In