Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Jaamacadaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Jaamacadaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Madaxda Jaamacadaha Gobolka ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Xarumaha Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in wada shaqeyn dhaw oo ay yeeshaan Jaamacadaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay kor u qaadeyso fursadaha waxbarasho ee dadka danyarta ah, shaqo abuurka, tayeynta waxbrashada iyo la dagaallanka dukumiintiyada waxbarasho ee been abuurka ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaan idiinku bishaaraynayaa in uu haatan socda qorshaha daadajinta maamulka ee Gobolka Banaadir, taas oo ay qeyb ka tahay in aan idiin ka hirgelinno degmooyinka aad xarumaha ku leedihiin xafiisyada bixinta adeegyada la xiriira dhanka waxbarashada, sida diiwaan gelinta xarumaha waxbarashada, dhalashada iyo sugnaanta ardayda, wanaa qeyb ka mid ah codsiyada aad noo soo gudbiseen”

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay wadaan dadaallo lagu yagleelayo Mac-hadka Dowladda Hoose ee Xamar oo la qorsheynayo in uu soo saaro xeel dheerayaal ku takhasusay arrimaha maamulka iyo maareynta shaqooyinka Dowladda Hoose, fayo dhowrka iyo ilaalinta deegaanka.

Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Gobolka Banaadir ee kulanka ka soo qeyb galay ayaa soo dhaweeyey qorshayaasha la soo bandhigay, waxa ayna ballan qaadeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa Maamulka Gobolka.

Sidoo kale, Madaxda Jaamacadaha ayaa soo bandhigay hannaanka ay kaga qeyb qaadanayaan qorhseyaasha is-xilqaanka ah ee ka socda Gobolka Banaadir, kuwaas oo ku saabsan bilic soo-celinta iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha Caasimadda.

Previous Post

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda oo lagu soo eedeeyay ku tagrifalka Hantida Qaranka

Next Post

Duqa Muqdisho “Waxaan rajeynaynaa in Ciidanka Boolisku ay ka soo dhalaalaan Masuuliyadda adag ee ku aaddan Amniga Caasimadda”+Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho “Waxaan rajeynaynaa in Ciidanka Boolisku ay ka soo dhalaalaan Masuuliyadda adag ee ku aaddan Amniga Caasimadda”+Sawirro

Duqa Muqdisho “Waxaan rajeynaynaa in Ciidanka Boolisku ay ka soo dhalaalaan Masuuliyadda adag ee ku aaddan Amniga Caasimadda”+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In