Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhiirigeliyey Dalxiiska Caasimadda+Sawirro

admin by admin
September 27, 2018
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo dhiirigeliyey Dalxiiska Caasimadda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku qabtay xeebta degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho barnaamij ka mid ah Olalaha Dalxiiska Caasimadda.

 

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa tilmaamay in barnaamijkan oo lagu marti qaaday qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Caasimadda uu qeyb ka yahay dadaallada lagu muujinayo muuqaalka dhabta ah ee ka tarjumaya horumarka iyo dib u kabashada magaalada Muqdisho.

“Dalxiisku waxa uu astaan u yahay nabadda iyo horumarka bulshada, waa farriin cad oo ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna, muuqaal khaldanna ay ka bixiyaan dalkeenna.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka shaqeynayo dib u soo nooleynta dalxiiska, maadaama Caasimaddu ay caan ku ahayd goobo si weyn loogu soo dalxiis tagi jiray.

Xubno ka tirsan Urrurada dadka naafada ah ee qeybta ka ahaa barnaamijkan dalxiiska ayaa uga mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir fursad isdhaxgal iyo farxadeed ee ay u abuureen, iyagoona ku baaqay in la kordhiyo barnaamijyadan.

Goobta lagu qabtay Olalaha dalxiiska ee lagu beegsanayey dadka baahiyaha qaarka ah qaba ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaar ka mid ah cuntooyinka dhaqanka ah u dadka Soomaaliyeed, hiddo iyo suugaan.

 

Previous Post

Daawo+Sawirro” Bilicda xeebta Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo khaarajiyay Maleeshiyaad iyo Horjooge ka tisan Alshabaab.

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo khaarajiyay Maleeshiyaad iyo Horjooge ka tisan Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka oo khaarajiyay Maleeshiyaad iyo Horjooge ka tisan Alshabaab.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir...

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

May 19, 2025
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In