Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dib-u-dhis Xooggan ka wada waddooyinka Caasimadda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 17, 2019
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dib-u-dhis Xooggan ka wada waddooyinka Caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ku boggaadiyey shaqada adag howlwadeennada Dawladda Hoose ee gacanta ku haya dhismaha iyo dayactirka waddooyinka Caasimadda, kuwaas oo isugu jira jidad Laami cusub la saarayo iyo jid-caddeyaal muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saaray dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah Caasimadda, gaar ahaan jidadka iyo xarumaha Maamulka, si loogu dhaweeyo shacabka adeegyada ay bixiso Dawladda Hoose.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Waddooyinka laamiga ah ee dhismahooda lagu guuleystay muddo sanad iyo bar ah ayaa gaaraya sagaal, kuwaas oo kala ah: Dabka ilaa Bakaaraha, dhameystirka waddada 30-ka, waddada Hotel SYL ilaa isgoyska Xamar-Jajab, waddada Dekedda ilaa Via Roma, waddooyinka Jazeera, Liido, Shingaani iyo Gen. Daud.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa sheegay in hadda ay socdaan dhismaha jid caddeyaal dhowr ah, kuwaas oo laga hirgelinayo degmooyinka, Kaxda, Waaberi, Heliwaa, Dayniile, Wadajir, Dharkinleey, Yaaqshiid iyo degmooyin kale.

Eng. Yarisow ayaa xusay in qorshaha sanadkan ugu jirto fulinta mashaariic kala duwan, si shacabka loogu dhaweeyo adeegga, una dareemaan in maamulka ay iyagu leeyihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumarka socda, ayna ula shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Maamulka.

Previous Post

Laamaha Amniga Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u billaabay Sugidda Amniga Dhuusamareeb

Next Post

Hoggaanka sare ee Midowga Yurub oo markii ugu horeysay haweeney loo dhiibay

Next Post
Hoggaanka sare ee Midowga Yurub oo markii ugu horeysay haweeney loo dhiibay

Hoggaanka sare ee Midowga Yurub oo markii ugu horeysay haweeney loo dhiibay

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In