Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib ugu celiyay muwaadin gurigiisa si sharci darro ah looga heystay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo dib ugu celiyay muwaadin gurigiisa si sharci darro ah looga heystay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muwaadin Axmed Abuukar Axmed oo Mudo ka badan 20 sano  si sharci darro ah looga haystay gurigiisa oo ku yaalla degmada Shibis ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa maanta furaha gurigiisa ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada Booliiska ay ka saareen dadkii sharci darrada ku dagnaa.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed  ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in digniino loo jeediyay  dadka sharcidarrada ku dagnaa gurigaasi, hasa ahaate ay ka madax adeygeen sidaas darteedna ay Ciidamada Ammaanka xoog uga saareen.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Axmed Abuukar Axmed oo ah muwaadinkii gurigiisa lagu wareejiyay ayaa u mahad celiyay Maamulka Gobalka Banaadir iyo ciidanka Boliiska qeybta Gobalka  “aad ayaan ugu faraxsa nahay in maanta gurigeyga la igu wareejiyo waxaana u mahad celinaaya Maamulka Gobalka Banaadir Ciidamada Booliiska” ayuu yiri.

Taliyaha Qeybta Guud Gobalka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed G/Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa dhankiisa tilmaamay ciidamada Booliska ineysan eegan doonin dulmiga loo geysanayo dadka maatida ah.

“Waa laga gudbay xiligii maatada la dulmin jiray ama la is xoogi jiray qof kasta sharciga ayaa ka weyn, marka ma socon doono iyadoo dowlad ay jirto in wax xoog lagu haysto” ayuu yiri G/sare Bishaar.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” ayaa sheegay in cid kasta oo dhul sharci darro ah degan  si deg deg ah looga bixin doono islamarkaana lagu wareejin doono muwaadinki xaqa u lahaay,,cod

“Ma dhici doonto in qof muwaadin soomaliyed ah gurigiisa xoog lagu daga naado arintaasi waa soo gaba gabootay cidkaste cadaaladda ayaa ka wey,n maantana sida aan muwaadinkan gurigiisa ugu wareejineyno ayaa muwaadin kasta waxiisa u helaaya”.

Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya Ciidanka Ammaanka ayaa horey dad si sharci darro ah looga haystay gurayahooda ugu wareejiyey.

15055668_1792059491032802_3150844985325356689_n15078526_1792059544366130_6850532522034917054_n15078940_1792059677699450_3968356117318364830_n15135953_1792059414366143_5996573758975869925_n

Previous Post

Xildhibaanno maanta lagu doortay Koonfur-Galbeed

Next Post

Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar oo sare u qaaday Agabyada ay sameeyaan “SAWIRRO”

Next Post
Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar oo sare u qaaday Agabyada ay sameeyaan “SAWIRRO”

Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar oo sare u qaaday Agabyada ay sameeyaan "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In