Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib ugu celiyay muwaadin gurigiisa si sharci darro ah looga heystay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo dib ugu celiyay muwaadin gurigiisa si sharci darro ah looga heystay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muwaadin Axmed Abuukar Axmed oo Mudo ka badan 20 sano  si sharci darro ah looga haystay gurigiisa oo ku yaalla degmada Shibis ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa maanta furaha gurigiisa ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada Booliiska ay ka saareen dadkii sharci darrada ku dagnaa.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed  ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in digniino loo jeediyay  dadka sharcidarrada ku dagnaa gurigaasi, hasa ahaate ay ka madax adeygeen sidaas darteedna ay Ciidamada Ammaanka xoog uga saareen.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Axmed Abuukar Axmed oo ah muwaadinkii gurigiisa lagu wareejiyay ayaa u mahad celiyay Maamulka Gobalka Banaadir iyo ciidanka Boliiska qeybta Gobalka  “aad ayaan ugu faraxsa nahay in maanta gurigeyga la igu wareejiyo waxaana u mahad celinaaya Maamulka Gobalka Banaadir Ciidamada Booliiska” ayuu yiri.

Taliyaha Qeybta Guud Gobalka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed G/Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa dhankiisa tilmaamay ciidamada Booliska ineysan eegan doonin dulmiga loo geysanayo dadka maatida ah.

“Waa laga gudbay xiligii maatada la dulmin jiray ama la is xoogi jiray qof kasta sharciga ayaa ka weyn, marka ma socon doono iyadoo dowlad ay jirto in wax xoog lagu haysto” ayuu yiri G/sare Bishaar.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” ayaa sheegay in cid kasta oo dhul sharci darro ah degan  si deg deg ah looga bixin doono islamarkaana lagu wareejin doono muwaadinki xaqa u lahaay,,cod

“Ma dhici doonto in qof muwaadin soomaliyed ah gurigiisa xoog lagu daga naado arintaasi waa soo gaba gabootay cidkaste cadaaladda ayaa ka wey,n maantana sida aan muwaadinkan gurigiisa ugu wareejineyno ayaa muwaadin kasta waxiisa u helaaya”.

Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya Ciidanka Ammaanka ayaa horey dad si sharci darro ah looga haystay gurayahooda ugu wareejiyey.

15055668_1792059491032802_3150844985325356689_n15078526_1792059544366130_6850532522034917054_n15078940_1792059677699450_3968356117318364830_n15135953_1792059414366143_5996573758975869925_n

Previous Post

Xildhibaanno maanta lagu doortay Koonfur-Galbeed

Next Post

Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar oo sare u qaaday Agabyada ay sameeyaan “SAWIRRO”

Next Post
Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar oo sare u qaaday Agabyada ay sameeyaan “SAWIRRO”

Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar oo sare u qaaday Agabyada ay sameeyaan "SAWIRRO"

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In