Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo Hay’adaha Amniga ku wareejiyey 10 qof lacago sharci darro ah ka qaadayay Barakacayaasha “Sawirro”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo Hay’adaha Amniga ku wareejiyey 10 qof lacago sharci darro ah ka qaadayay Barakacayaasha “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Hay’adaha Ammaanka ku wareejiyey 10 ruux oo si sharci darro ah lacago uga qaadan jiray Qoysaska Barakacayaasha ah ee Caasimadda ku nool, si caddaladda loo mariyo.

Shaqsiyaadkan ayaa si been abuur ah ugu sheegi jiray barakacayaasha inay bixiyaan lacago, taas badelkeedana ay siin doonaan lacago dheeri, iyagoo iska-dhigaya Hay’adaha Gargaarka.

Related posts

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026

“Dadkani waxay iska dhigi jireen Hey’addaha samafalka ee bixiya gargaarka, iyadoo kooxdan abaabulan ay dadka ka qaadayeen sawiro iyo buuxinta liis ay ku qoran yihiin magacyada qoysaskooda, taas badelkeedana ka qaadan jiray lacago ay ugu yeeraan diiwaangelin ay ku helayaan gargaar kala duwan”. Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Saalax Xasan Cumar.

Dadka Barakacayasha ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku soo wargeliyey dhacdadan, iyadoo 10 kamid ah gacanta lagu soo dhigay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga digay shaqsiyaadka kale ee arrimahan ku howllan in aysan caddaaladda ka fakan doonin, haddii aysan ka waantoobin falalka ay ku dhacayaan dadka masaakiinta.

“Waxaan u sheegaynaa cid walba oo arrimahan ku lug-leh in Caddaaladda aysan ka fakan doonin, Maamulka Gobolka Banaadir-na uu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada Caasimadda, gaar ahaan dadka nugul”.

Previous Post

Maalinta Africa oo laga xusay Dalka Kuwait “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In