Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa Kulan qado ah la qaatay qaar kamid ah duubabka Soomaliyed  oo uu  kamid yahay Boqor Burhaan Boqor Muuse kaas oo ka dhacay xarunta  maamulka gobalka ee degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir.

Odayaasha Dhaqanka iyo Salaadiinta Soomaliyeed oo maanta Duqa Magaaldu qadada u sameeyey ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Imaam Maxamed Yuusuf iyo Cali Maxamud Cali Ugaas iyo odayaal dhaqan oo kala socday inta badan beelaha Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Boqor Burhaan Boqor muuse oo ka hadlay Kulanka ayaa kula dardaarmay umadda Soomaaliyed ee ku nool dalka iyo dibada in si wadajir ah ay ugu wada qeyb qaatan  adkeyta nabad galiyada iyo dib-udhiska dalka.

“Waxaa  la idin ka rabaa dhamaantiin in aad keentaan fikir uu wadankeena ku hagaagsanayno oo aan gacamaha is qabsano oo aan baajino dhiiga Soomaaliyeed ee daadanaya in aan raadino sidii muwaafaqo aan ku heli laheyn, inta badan dhulkii aan soo maray umadda Soomaaliyeed ee ku nool hilow iyo jeceyl ayay wadanka ku qabaan”. ayuu yiri Boqor Muuse.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir  Mudane Xasan Maxameed Xusen “Muungaab” oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay  in maamulka gobalka Banaadir  iyo duubabka Soomaliyed uu ka dhaxeeyo wada shaqeyn wanaagsan  isla markaana magaalada Muqdisho ay tahay magaalada midnimada Soomaaliyed.

“Anaga maamul ahaan waxaa naga go’an marwalba in ay Muqdisho ku soo laabato muqdisha deydii,muqdisho maqaab keedi soo ceshato bilicdeydii muqdisho waligeed waa tii ahaan jirtay go gol Soomaaliyed ay noqoto oo Soomaalida  gobaladooda  iyo degmooyinkooda iyo tuuladooda in ay dhistaan waa loo baahan yahay xarun mideysa iyo calan mideeya iyo hal madaxweyne oo mideeya waa lagama maarmaan”. ayuu sheegay Muungaab.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa kulankani  qadada ah  uu la qaatay qaar kamid ah waxgaradka Soomaaliyed ayaa qeyb ka ah kulamada ay mas’uuliyiinta mamaulka gobalka ay la yeelanayaan  dadka Soomaaliyed si ay door ugu qaadan lahaayeen horumarka dalka gaar ahaan gobalka Banaadir.

11393382_1598794103692676_8370539573860172744_o 11406159_1598794223692664_1973980353463919113_o 11411609_1598794120359341_2106078932828636296_o 11415563_1598794263692660_1214165703753826637_o 11416317_1598794270359326_1925032424149011570_o 11425561_1598794173692669_7155732099215313392_o

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta "SAWIRRO"

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In