Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa Kulan qado ah la qaatay qaar kamid ah duubabka Soomaliyed  oo uu  kamid yahay Boqor Burhaan Boqor Muuse kaas oo ka dhacay xarunta  maamulka gobalka ee degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir.

Odayaasha Dhaqanka iyo Salaadiinta Soomaliyeed oo maanta Duqa Magaaldu qadada u sameeyey ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Imaam Maxamed Yuusuf iyo Cali Maxamud Cali Ugaas iyo odayaal dhaqan oo kala socday inta badan beelaha Soomaaliyeed.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Boqor Burhaan Boqor muuse oo ka hadlay Kulanka ayaa kula dardaarmay umadda Soomaaliyed ee ku nool dalka iyo dibada in si wadajir ah ay ugu wada qeyb qaatan  adkeyta nabad galiyada iyo dib-udhiska dalka.

“Waxaa  la idin ka rabaa dhamaantiin in aad keentaan fikir uu wadankeena ku hagaagsanayno oo aan gacamaha is qabsano oo aan baajino dhiiga Soomaaliyeed ee daadanaya in aan raadino sidii muwaafaqo aan ku heli laheyn, inta badan dhulkii aan soo maray umadda Soomaaliyeed ee ku nool hilow iyo jeceyl ayay wadanka ku qabaan”. ayuu yiri Boqor Muuse.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir  Mudane Xasan Maxameed Xusen “Muungaab” oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay  in maamulka gobalka Banaadir  iyo duubabka Soomaliyed uu ka dhaxeeyo wada shaqeyn wanaagsan  isla markaana magaalada Muqdisho ay tahay magaalada midnimada Soomaaliyed.

“Anaga maamul ahaan waxaa naga go’an marwalba in ay Muqdisho ku soo laabato muqdisha deydii,muqdisho maqaab keedi soo ceshato bilicdeydii muqdisho waligeed waa tii ahaan jirtay go gol Soomaaliyed ay noqoto oo Soomaalida  gobaladooda  iyo degmooyinkooda iyo tuuladooda in ay dhistaan waa loo baahan yahay xarun mideysa iyo calan mideeya iyo hal madaxweyne oo mideeya waa lagama maarmaan”. ayuu sheegay Muungaab.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa kulankani  qadada ah  uu la qaatay qaar kamid ah waxgaradka Soomaaliyed ayaa qeyb ka ah kulamada ay mas’uuliyiinta mamaulka gobalka ay la yeelanayaan  dadka Soomaaliyed si ay door ugu qaadan lahaayeen horumarka dalka gaar ahaan gobalka Banaadir.

11393382_1598794103692676_8370539573860172744_o 11406159_1598794223692664_1973980353463919113_o 11411609_1598794120359341_2106078932828636296_o 11415563_1598794263692660_1214165703753826637_o 11416317_1598794270359326_1925032424149011570_o 11425561_1598794173692669_7155732099215313392_o

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta "SAWIRRO"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In