Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyey latashiyada ku saabsan siyaasadda barakacayaasha+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyey latashiyada ku saabsan siyaasadda barakacayaasha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay barnaamijka wada-tashiga siyaasadda barakacayaasha ayaa sheegay in isku tashiga iyo wax wada qabsiga bulshada ay asaas u yihiin dadaallada lagu xallinayo dhibaatooyinka haysta barakacayaasha.

Guddoomiyaha ayaa la wadaagay ergeda barakacayaasha ee ka qeyb qaadanayey wada tashiyadan, qorsheyaasha Gobolka Banaadir ee ku saabsan sidii xal waara loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Waxaan qorsheynaynaa sidii aan deegaameyn dhammeystiran ugu sameyn lahaa barakacayaasha, duruufta adag ee ay la noolyihiinna aan garab uga siin lahayn, taas oo u baahanna in aan dadaalladeena u mideyno, wax-qabad muuqdana aan ka muujinno.”

Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey dadka barakacayaasha ah dhabar adeygga iyo dadaalka ay ku maareeyeen xalaadihii nolaleed ee soo maray, isagoona tilmaamay in mudnaan la siin doono talada iyo aragtida ay ku darsadeen siyaasadda xal u helista barakacayaasha ee maanta la horkeenay.

“Tan iyo sanadkii 2011kii dad Soomaaliyeed ayaa duruufo adag ku nool xeryaha Barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho, Muddaas 7-da sano ah laguma guuleysan in xal waaro loo helo, balse haatan waxaa muuqata fursad ku aaddan in aan dadkan u abuuri karno nolol ku haboon, una sameyn karno deegamayn dhammeystiran.”

Dhankooda, xubnaha barakacayaasha ee qeybta ka ah diyaarinta qorshahan ayaa uga mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran ee la xiriira dhanka nolasha, gaar ahaan deegaanka, caafimaadka iyo fursadaha shaqada.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweeysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay dilalka Foosha xun ay geysanayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab

Next Post

Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa in Qof Muslim ah Masjid lagu dhex dilo?

Next Post
Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa in Qof Muslim ah Masjid lagu dhex dilo?

Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa in Qof Muslim ah Masjid lagu dhex dilo?

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In