Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka gobolka Banaadir oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay madaxda maamul-goboleedyada dalka (DAAWO+SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Maamulka gobolka Banaadir oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay madaxda maamul-goboleedyada dalka (DAAWO+SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan casho shaarafta ah ee uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, laguna soo dhayweynayay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, isla markaana ay ka qeyb galeen Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno kale ayaa xalay lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo maaliyadda Mudane Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo ugu horeyn qaatay kalmadda soo dhaweynta ah ayaa sheegay in maamulka iyo bulshada ku nool Gobolka benaadir ay farxad u tahay soo qaban qaabinta munaasabada.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo si wada jir ah goobta hadalo uga jeediyay ayaa waxa ay sheegeen in guud ahaan Soomaalida ay sharaf u tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu Madaxda Maamul goboleedyada ugu yeero shir wada tashi ah oo looga hadlay aayaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo isna munaasabadda ayaa sheegay in shirka Madaxweynuhu uu ku casuumay Madaxda Maamul goboleedyada uu yahay mid loogu gogol xaarayo xoojinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in shirka madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda dhexe ay noqdaan kuwa si dastuuri ah laga dhigo, isla markaana la joogteeyo shirarka nuucaasi oo kale ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyntii khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Madaxda Dowlad goboleedyada sida ay u ajiibeen u yeeritaanka uu u yeeray, waxaana uu intaa ku daray in shirarka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada la joogteyn doono.

Fanaaniinta hobollada Qaranka ee Waaberi, shamsudiin band, benaadir band, bar baarta gaashaaman iyo Ubaxa ayaa goobta ku soo bandhigeen suugaan ka turjumeysa midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

DAAWO

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed

unnamed (8)

unnamed (9)

unnamed (10)

unnamed (11)

unnamed

Previous Post

Dab xooggan oo ka kacay suuqa shidaalka ee degmada Jowhar

Next Post

Dab ka kacay suuqa shidaalka Jowhar oo lagu guuleystay in la damiyo{SAWIRRO}

Next Post
Dab ka kacay suuqa shidaalka Jowhar oo lagu guuleystay in la damiyo{SAWIRRO}

Dab ka kacay suuqa shidaalka Jowhar oo lagu guuleystay in la damiyo{SAWIRRO}

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In