Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Benaadir oo yeeshay kulan looga hadlayay Dakhliyada Gobolka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Benaadir oo yeeshay kulan looga hadlayay Dakhliyada Gobolka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay qeybta maamulka iyo Maaliyadda gobolka Benaadir, iyadoo warbixinno kala duwan looga dhegeystay agaasimeyaasha dakhliyada kala duwan oo soo bandhigay dakhligii soo xarooday sanadkii hore, si loo qorsheeyo dakhliga uu sanadkan ku howlgeli lahaa gobolka Benaadir.

Mudane Yarisow ayaa xusay dar-dargelinta howlaha dakhliyadu in door muhiim ah ay ka qaadanayaan horumar walba oo la qorshaynayo in la sameeyo sanadkan 2018. Si loo xaqiijiyo arrimahanna ay ka dhigan tahay in si joogta ah loo shaqeeyo 24 saacadood iyo toddobada maalmood.

“Kulankani wuxuu qeyb ka yahay qorshaha aan uga fekereyno maareynta dakhliyada sanadkan 2018 iyo xisaab xirka dakhligii soo xarooday sanadkii hore. Waxaan diyaar u nahay in aan waxba qarsoonaan bulshadana usoo bandhigno meesha ay ku baxdo canshuurtii ay bixiyeen,waxaan ka codsanayaa bulshada iney nala shaqeeyaan lana bixiyo cashuurta dowladda si horumar loo gaaro”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxuu xusay dawladda hoose ee Xamar in qorsheedu uu yahay sanadkan 2018 horumar baaxad leh in laga sameeyo adeegyada kala duwan ee laga bixiyo Caasimadda, taasina ay qabsoomi karto marka la helo dhaqaale bixiyaal iyo maareeyaal fiican, dhankoodana ay xil weyn iska saaraya dhaqaalaha dadku leeyahay in uu ku baxo wax la taaban karo.

Previous Post

Guddoomiye Basma Caamir “Ma aqbali doonno in dekadda Muqdisho laga soo dajiyo Badeeco iyo Daawooyin dhacay”

Next Post

Qaramada Midoobay oo Kenya ugu baaqday inay ilaaliso xorriyadda saxaafadda

Next Post
Qaramada Midoobay oo Kenya ugu baaqday inay ilaaliso xorriyadda saxaafadda

Qaramada Midoobay oo Kenya ugu baaqday inay ilaaliso xorriyadda saxaafadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In