Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku baaqay joojinta colaadaha soo noq noqday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku baaqay joojinta colaadaha soo noq noqday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka gobolka Hiiraan, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada ku soo laa-laabtay deegaanno ka tirsan gobolkaasi, iyadoo dhanka kale uu shaaciyey in uu horumar weyn ka jiro gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay jiraan colaado ragaadiyay horumarka gobolka, waxaana uu ku baaqay in bulshada gobolka ay Maamulka gacan ku siiyaan sidii looga hortagi lahaa falalka nuucaasi oo kale ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaa nala gudboon in aan maanta kaddib ka xishoono in maleeshiyaad hubeysan ay ishortaag ku sameeyaan horumarka uu gobolka ku talaabsanayo, tankale ninkii dad dila markasta waa dambiile, anaguna haddii aan qabano cadaaladda ayaa la marsiinayaa, tan kale maleeshiyaadka qabiilka u hubeysan way soo noqdeen, mana ogolaan doono in maleeshiyaad hubeysan ay gobolka dhibaatooyin ka geystaan”ayuu yiri Guddoomiyaha.

Cabdifataax Xasan Afrax ayaa sheegay in colaadaha soo laa laabtay ay gobolka saameyn badan ku yeeshaan, isagoo intaa ku daray in Maamulka ay u qorsheysantahay in uu ka shaqeeyo horumarinta iyo dib u soo celinta adeegyada guud ee bulshada.

“Xaafadda Howlwadaag iyo qeybtii ay ka dhacday dhibta, waxa ay xaq u leeyihiin inay helaan horumarka socda, laakiin ma ogolaaneyno in maleeshiyaad hubeysan ay carqalad abuuraan, waxaana xoogga saareynaa in dhamaan xaafadaha degmada iyo kan gbolka ka hirgelino mashaariic horumarineed” ayuu markale hadlakiisa ku daray Cabditafaax Xasan Afrax.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday shacabka in ay gacan ka geystaan oo ay maamulka gobolka ku taageeraan sidii looga hortagi lahaa dadka doonaya in ay xanibaan mashaariicda horumarineed ee gobolka ka socda, ayna ka wada shaqeeyaan xalinta colaadaha.

Dhawaan deegaanada Deefow iyo Kabxanleey oo ka tirsan Gobolka ayaa waxa ay ka dhaceen dagaal beeleedyo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Previous Post

Madaxweynaha: “Halaga wada shaqeeyo horumarka dalka”

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In