Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah Degmooyinka gobalka oo ay ka socoto olole nadaafadeed, iyagoo u kuur galayay tartanka bilic soo celinta caasimadda, kaasi oo uu dhawaan ku dhawaaqay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.
Tartanka Degmooyinka Gobalka Banaadir oo uu dhawaan ku dhawaaqay Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xusen “Muungaab” ayaa maal mihii la soo dhaafay waxa uu u socday si xooggan, iyadoo maanta Degmooyinka Waabari Hodan iyo Wadajir ay ka dhacday Isku soo bax balaaran oo ay dadweynaha kunool Halkaasi ay ugu qeyb qaada naayen Hormarinta Nanaadafada,
Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye iyo qaar ka mid ah maamulada Degmooyinka gobalka ayaa maanta si wada jir ah u kormeeray Degmooyinka Waabari, Hodan iyo Wadajir oo ay ka socotay olole nadaafadeed oo sare loogu qaadayo bilicda caasimadda.
Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in socdaalkooda ay la xiriirtay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen habsami u socodka ololaha nadaafadda ee ka socda degmooyinka gobolka banaadir, waxaana uu ku guubaabiyay maamulada degmooyinka inay xoojiyaan ololaha nadaafadda.