Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Kan Jowhar oo la dhameystiray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa dhamaystirtay xubnaha maamulka gobolka Shabeellaha dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Cali Saciid Xalane ayaa wareegtada dhamaystirka maamulka oo ka soo baxday Wasaaradda ka akhriyey kulan lagu soo bandhigay xubnaha loo magacaabay xilalka maamulka gobolka Shabeellaha dhexe iyo kan degmada Jowhar, kaddib markii ay maanta gaareen magaalo madaxda Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Jowhar.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Wareegtada oo soo baxday 22-11-2014-ka ayaa xilal heer gobol ah loogu magacaabay mas’uuliyiinta kala ah:

1-  Axmed Meyre Makaraan oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka gobolka ee arrimaha siyaasadda iyo amniga.

2-    Cabdullaahi Yuusuf Calaf oo loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka gobolka maamulka iyo maaliyadda.

3-    Maxamuud Sugaal Cismaan oo loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo horumarinta.

4-    Sheekh Abuukar Xasan Cali oo loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo

5-    Yuusuf Nuur Xuseen oo loo magacaabay Xog-hayaha guud ee maamulka gobolka.

Wareegtada ayaa waxaa kaloo lagu magacaabay mas’uuliyiinta maamulka degmada Jowhar, kuwaas oo kala ah:

1-    Maxamed Cali Muuddeey oo loo magacaabay guddoomiyaha degmada Jowhar.

2-    Xasan Barroow Bocor oo loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka degmada ee arrimaha bulshada iyo

3-    Xasan Goomey Calasoow oo loo magacaabay guddoomiye ku-xigenka degmada ee arrimaha maamulka iyo maaliyadda.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa soo dhaweeyay dhameystirka maamulka Gobolka iyo kan degmada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay inay ku dadaalaan gudashada waajibaadkooda qaran ee loo igmaday.

 

 

Previous Post

Barcelona oo Espanyol Ka Badisay Kulankii Catalan derby “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In