Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo soo dhaweyn u sameeyay odoyaal jowhar gaaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo soo dhaweyn u sameeyay odoyaal jowhar gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duubab dhaqameedyo iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo kala jeeda Gobollada Hiiran iyo Shabeelaha dhexe ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, iyadoo ay iminka socoto qaban qaabada wajiga labaad ee shirka maamulka labada gobol.

Salaadiinta soo gaartay magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mid ahaa Imaam Maxamed Yuusuf Cali,Ugaas Maxamud Ali Ugaas ,Ugaas C/raxman Ugaas Cabdllaahi ,Ugaas Cabdllaahi ugaas Saalax,Suldaan Maxamed Axmed Shido, Wabar Maxamed wabar Axmed, Ugaas C/xakin Ugaas Maxamed, Ugaas C/naasir Ugaas Maxamed, Islow CIsmaan Shiikh Xasan iyo xubno kale, waxaana garoonka diyaaradaha ee Jowhar ku soo dhaweeyay maamulka iyo qeybaha bulshada.

Related posts

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cali Cabdullahi Xuseen oo ka hadlay soo dhoweynta salaadiinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan in dib la isugu soo laabto shirka Maamul u sameynta labada gobol, isla markaana amniga magaalada uu yahay mid la isku haleyn karo.

“Waxaan rajaynayaa in shirka wajiga labaad uu u gudbi doono inta ka dhimana ay ku soo biiri doonto, si loo helo dad isku aragti ka ah dhismaha maamulka labada gobol, shacabka gobolkana waxa uu diyaar idinla yahay soo dhaweyntiina.”ayuu yiri Guddoomiye Guudlawe.

Ugaas Cabdraxmaan Ugaas Cabdullaahi oo ku hadlayay magaca duubabka dhaqanka soo gaaray magaalada Jowhar, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay ka qeybgalaan maamul u sameynta labada gobol ee Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in inta dhiman ay ka soo qeyb geli doonaan shirka.

Previous Post

Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha Qaran ee dalka

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In