Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha Qaran ee dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha Qaran ee dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan uu u maraayo sameynta qorshaha Qaran ee dalka oo muddo ka badan 30 sano Soomaaliya ka maqnaa,

Prof Qaloocoow ayaa tilmaamay in sameynta qorshahaan Qaran uu yahay mid laga talagalinayo qaybaha bulshada si aragtiyadooda loogu biiriyo sameynta qorshahan Qaran kaas oo 3 sano ee soo socota ay howshiisu socon doonto.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow ayaa dhanka kale tilmaamay in qorshahaan Qaran uu fursad siinayo dhallinyarada shaqa la’aantu hayso, maadaama wax walbaa lagu jaangoynayo hadba mudnaanta uu u leeyahay bulshada, dhalinyaraduna uu kaalintooda siin doono.

Ugu dambeyn Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Qaloocoow ayaa raja wanaagsan ka muujiyay Wasaarad ahaan in lagu guuleysan doono qorshahaan Qaran ee ay hada Wasaaraddu ku howlan tahay.

Qorshahaan Qaran ee ay Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ku howlan tahay ayaa ah nidaam caalami ah oo u eg hab miisaaniyadeedka la dajiyo, maadaama loo qorsheynayo hadba sida ay u kala mudan yihiin baahiyaha ay bulshadu qabto, waana qorshe loo dhigayo mustaqbalka dhaw iyo midka fog u diyaarsanaantiisa.

Previous Post

Madaxweynaha oo bogaadiyay hawlgallada caalamiga ee ka hortagga hubka sida sharci-darrada ah loo soo gelinayo Soomaaliya

Next Post

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo soo dhaweyn u sameeyay odoyaal jowhar gaaray

Next Post
Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo soo dhaweyn u sameeyay odoyaal jowhar gaaray

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo soo dhaweyn u sameeyay odoyaal jowhar gaaray

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In