Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) oo ay qeyb ka yihiin Taliyaha qeybta Booliska gobolka Gaashaanle Dhexe Cabdi Ibraahim Shaamow iyo ku xigenka Maaliyadda gobolka Cabdiftaax Xaaji Cabdalla ayaa waxay socdaal ku marayaan degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Wefdiga oo haatan ku sugan degmada Qoryooley ayaa waxaa ay shalay kulamo la qaateen waxgaradka degmada, kuwaasoo ay kala hadleen iskaashiga amniga ee dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan gobolka.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ayย wadaan qorshayaal ay dadka deegaanka ugu dhiirrigelinayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen amniga degmada, isla markaana ay ciidamada kala shaqeyn lahaayeen sida looga hortagi karo dhagaraha ay maleegayaan maleeshiyada Al-shabaab.
Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) ayaa waxay booqdeen xarumaha waxbarashada iyo caafimaadka ee degmada Qoryooley, kuwaasi oo u kuurgalayay xaaladda dhabta ah ee magaalada ka jirta.
Guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in dhanka kale ay jiraan weerarro cirka iyo dhulkaba ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa shisheeye ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka si loo wiiqo dhaqdhaqaaqa maleeshiyada Al-Shabaab.
Masuuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose ee uu horkacayo guddoomiyaha gobolka ayaa lagu wadaa in ay gaaraan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.