Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka warbixiyay socdaal shaqo ay ku tageen Qoryooleey

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 5, 2016
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka warbixiyay socdaal shaqo ay ku tageen Qoryooleey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) oo ay qeyb ka yihiin Taliyaha qeybta Booliska gobolka Gaashaanle Dhexe Cabdi Ibraahim Shaamow iyo ku xigenka Maaliyadda gobolka Cabdiftaax Xaaji Cabdalla ayaa waxay socdaal ku marayaan degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wefdiga oo haatan ku sugan degmada Qoryooley ayaa waxaa ay shalay kulamo la qaateen waxgaradka degmada, kuwaasoo ay kala hadleen iskaashiga amniga ee dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan gobolka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ay  wadaan qorshayaal ay dadka deegaanka ugu dhiirrigelinayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen amniga degmada, isla markaana ay ciidamada kala shaqeyn lahaayeen sida looga hortagi karo dhagaraha ay maleegayaan maleeshiyada Al-shabaab.

Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) ayaa waxay booqdeen xarumaha waxbarashada iyo caafimaadka ee degmada Qoryooley, kuwaasi oo u kuurgalayay xaaladda dhabta ah ee magaalada ka jirta.

Guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in dhanka kale ay jiraan weerarro cirka iyo dhulkaba ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa shisheeye ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka si loo wiiqo dhaqdhaqaaqa maleeshiyada Al-Shabaab.

Masuuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose ee uu horkacayo guddoomiyaha gobolka ayaa lagu wadaa in ay gaaraan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

1 14914958_1811465382442662_1114872177_n

Previous Post

Howlo lagu dayactirayo waddooyinka burbursan oo ka billowday magaalada Baydhaboo

Next Post

Doorashada Aqalka Hoose oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garoowe

Next Post
Doorashada Aqalka Hoose oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garoowe

Doorashada Aqalka Hoose oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garoowe

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In