Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka SH/Hoose oo ka hadlay diyaarad ku dhacday duleedka Afgooye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Shaqaalaha diyaaraddii Ku soo Dhacday Carbiska oo loo duulinayo dalkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay diyaarad maanta duhurkii ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo loo diray ciidamada amniga ee dowladda.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in ay tahay markii labaad oo ay diyaarad ku dhacdo gobolka, waxaana uu intaa ku daray inay wadaan baaritaanno ku aadan sida ay ku ogaan lahaayeen waxa ay ahayd diyaaradda dhacday, isla markaana ay goobta u direen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM si ay ula wareegaan amniga, maadaama ay goobta ka agdhawyihiin maleeshiyada Al-shabaab.

Related posts

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026
Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026

“Waa sax diyaaradii labaad ayaa ku soo dhacday tuulo hoostagta Afgooye, meel 9km dhanka galbeed uga beegan magaalada Afgooye, baaritaan ayaa inoo socda oo aan ku ogaaneyno cidda iska leh iyo waxa ay ahayd, jidka tooro toorow iyo Afgooye isku xira ayay ku soo dhacday” ayuu yiri C/qaadir Maxamed Nuur Sidii

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilliga diyaaradda ay dhaceysay ay roobab xoogan ka da’ayeen tuulada ay ku dhacday, lamana oga inay cimilada oo xun awgeed ay u dhacday diyaarada iyo in kale.

 

Previous Post

Ku simaha madaxweynaha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha hey’adda ICRC

Next Post

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo soo geba gabeeyay booqashadii Sacuudiga “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo soo geba gabeeyay booqashadii Sacuudiga  “SAWIRRO”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo soo geba gabeeyay booqashadii Sacuudiga "SAWIRRO"

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay...

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In