Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Isbitaalka Madiina oo faah faahin ka bixiyay adeegayda ay bulshada u qabtaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Maamulka Isbitaalka Madiina oo faah faahin ka bixiyay adeegayda ay bulshada u qabtaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Dr Maxamed Cabiraxmaan Jaamac (Portugal) ayaa sheegay in adeegyo kala duwan ay u qabtaan bulshada oo ay ugu horeysay la tacaalidda dadka qaba dhaawacyada kala duwan.

Dr Maxamed Cabiraxmaan Jaamac oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlo baaxadleh ay u hayaan bulshada, ayna xoogga saaraan wax u qabashada dadka qaba dhaawacyada kala duwan, kuwa shilalka ku soo dhaawacma iyo kuwa qaraxyada la kulma, isagoo xusay inay soo badatay dhallinyarada tooreyda u geysaneysa dhallinta kale oo inta badan saameysa dhallinyarada ku nool Gobolka Banaadir.

Related posts

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026

“Muddadii 40-ka sano ee dalka waxa uu Isbitaalka la tacaali jiray xaaladaha dhaawacyada soo gaara bulshada, haba ugu darnaadee 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana jira dhaawacyo sababay arrimaha amniga iyo kuwa dhallinyarada dhexdooda isu geystaan oo ay ugu horeyso tooreyda”. Ayuu yiri Dr Maxamed.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in mararka qaar la keeno Isbitaalka la geeyo dad dhaawacyo tooreey u dhinta oo la garan waayo ehelkooda, kuwaasi oo aan u sameyno inaan sawiradooda ku baahino baraha bulshada si loo helo

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Dr Maxamed Cabiraxmaan Jaamac (Portugal) ayaa soo dhaweeyay baaqa uu maanta soo saaray Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Mudane Cabbdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee ku aadan xaaladda abaareed ee dalka jirta, ayna soo jeedinayaan in bulshada ay dhexdooda iscaawiso, kan maamul ahaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan kaalinta uga aadan arrimaahaas.

Dr Maxamed Cabiraxmaan Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay inay qorsheynayaan sidii loo balaarin lahaa isbitaalka oo ay ku soo kordhiyaan xarumo cusub iyo qalab casri ah.

“Xaqiiqatan January 2022-ka ayaan ka shaqo bilaabay Isbitaalka, waxaana ku soo kordhinay qeybaha ICU, qeybta lagu xanaaneeyo bukaanada ku jira xaaladda adag, muddadi shanta bil ahayd oo aan ku guuleysanay, waxaan kaloo ku guuleysanay dib u habeynta qeybta gargaarka deg degga ah iyo inaan ku soo kordhinay qeybo kale oo cusub, anagoo dhagax dhignay qeybta OPD, oo ah qeybta bukaan socod eegtada oo aan rabno inaan weyneyno oo aan fariisino Dhakhaatiir taqasus u leh qeybta bukaan socod eegtada”. Ayuu yiri Dr Maxamed Cabdiraxmaan.

Previous Post

Special Envoy of the President for Drought Relief meets with Turkish Ambassador to Somalia

Next Post

Muxiyadiin Warbac oo loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda ee Gobolka Banaadir

Next Post
Muxiyadiin Warbac oo loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda ee Gobolka Banaadir

Muxiyadiin Warbac oo loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda ee Gobolka Banaadir

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In