Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka iyo bulshada gobolka Sh/dhexe oo ku guuleeystay hakinta fatahaadda wabiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Maamulka iyo bulshada gobolka Sh/dhexe oo ku guuleeystay hakinta fatahaadda wabiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in maamulka gobolka kan degmada Jowhar iyo bulshada oo iskaashanaya ay ku guuleeysteen iney hakiyaan fatahaadda wabiga Shabeele uu ka sameeyay deegaanno ka mid ah degmada Jowhar.

Abshir Caddoow Hiraabe oo ah gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa Radio Muqdisho u sheegay in lagu guuleystay hakinta fatahaad uu wabiga Shabeelle ka geystay deegaanno ka mid ah degmada Jowhar,  isagoo hoosta ka xariiqay in arrintani ay ku timid kaddib markii bulashada iyo maamulkaba ay iska kaashadeen sameynta biyo xireenno lagu hakiyo fatahaadda Wabiga.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

“Fatahaadda wabigu sameeyay wan ka hortagnay mana geysan fatahaaddaasi qasaare ka badan dalagyo uu baabi’yay, waxaana rajeyneynaa in ay hoos u dhacaan biyaha korshubka ah ee wabigu wado” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/dhexe ee dhinaca amniga iyo siyaasadda Abshir Caddoow Hiraabe.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka ayaa xusay in ammaanka degmada Jowhar uu aad u hagaagsanyahay la iskuna haleeynkaro, isagoo tilmaamay in sugidda amniga ay si wadajir ah isaga kaashadaan shacabka iyo ciidamada.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu dhawaan bilowdo shirkii maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, isagoo tibaaxay in ay haatan socdaan kulamo looga tashanayo dib u billaabidda shirkaasi.

Previous Post

Askari katirsan ciidamada Turkiga oo lagu dilay Suuriya

Next Post

Kulan lagu taageerayay howlgallada ciidamada oo lagu qabtay degmada Xudur

Next Post
Kulan lagu taageerayay howlgallada ciidamada oo lagu qabtay degmada Xudur

Kulan lagu taageerayay howlgallada ciidamada oo lagu qabtay degmada Xudur

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In