Maamulka Jaamacadda Capital ayaa soo gebagebeeyay munaasabad lagu soo dhaweynayay in ka badan boqol arday oo ku guuleysatay imtixaanka qabuulka ee jamacaddaasi.
Barnaamijkan oo isugu jiray, soo dhaweyn, isbarasho iyo muxaadarooyin ay bixinayeen macalimiinta Jaamacadda Capital, ayaa socday muddo labo maalmood ah.
Sidoo kale barnaamijka ayaa lagu soo bandhigay riwaayad ka hadlaysa qiimaha waxbarashada iyo dadaalka looga baahanyahay ardayda, iyadoo qaar ka mid ah ardayda jaamacadda ay halkaasi ka jeediyeen suugaan kaladuwan oo muujineysa qiimaha waxbarashada.
Prof. Calas Xasan Maxamed oo ah isku duwaha waxbarashada ee jaamacadda Capital ayaa ardayda cusub kula dar daarmay iney muujiyaan dadaal dheeraad ah si ay uga mira dhaliyaan tacliinta ay bixineyso jaamacadda.
Wuxuu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay adeegyada waxbarasho iyo qaanuunka jaamacadda, iyo sidii ay ardaydu ula tacaamuli lahaayeen marxaladda cusub ee heerka jaamacadeed ah.
Madaxa ugu sarreeya jaamacadda Capital Prof. C/qaadir Wehliye Afrax oo kulankaasi soo xiray ayaa ardayda ku soo dhaweeyay jaamacadda, isagoo kula dardaarmay iney la yimaadaan dadaal dheeraad ah.
Prof. Wehliye ayaa tilmaamay in ardaydani ay yihiin dufcaddii sadexaad ee jaamacaddu qaadato, wuxuuna hoosta ka xariiqay in jaamacaddu ay furantahay sanadkii Sadexaad, isagoo xusay iney jaamacaddu kaalinta sadexaad ka gashay qiimeyn ay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ay ku sameeysay jaamacadaha ka furan Muqdisho.