Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland oo beeniyay in calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya lagu gubay magalada Kismaayo, sheegayna in wararkaasi ay ahaayeen kuwo been abuur ah.
Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa maanta beeniyay warar been abuur ah oo laga sameeyay Jubbaland, kaasi oo ku aadanaa in Jubbaland lagu gubay calanka Soomaaliya iyadoo mas’uuliyiinta maamulka ay sheegeen ineysan wararkaasi waxba ka jirin, ayna kamid yihiin dadkii usoo halgamay calanka Soomaaliya.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo shir jaraa id ku qabtay magalada Kismaayo ayaa sheegay inay been abuurtahay wararka sheegaya in Calanka Jamuuriyadda Soomaaliya lagu gubay Kismaayo.
Sidoo kal e Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay hiigsanayaan hiigsiga 2016-ka iyo hirgalinta nidaamka Federaalka si horumar ay u gaaraan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale markii ay soo ifbaxeen wararka sheegaya in calan lagu gubay magaalada kismaayo ayaa waxaa magaalada lagu qabtay xaflado lagu soo bandhigayay heeso lagu weyneynayo ahmiyada calanka uu leeyahay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, kaasi oo ay soo agaasimeen qeybaha bulshada Kismayo.