Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Naafada xoogga dalka ee ku jira Isbitaal Martini oo gar gaar la gaarsiiyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 20, 2015
in Wararka
0
Naafada xoogga dalka ee ku jira Isbitaal Martini oo gar gaar la gaarsiiyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkadda  Hormuud  qeybteeda  samafalka  ayaa maanta  deeq gargaar ah oo loogu talagalay Bisha Barakeysan ee Ramadaan gaarsiiyey naafada ku jirta Isbitaalka Martiina ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo isugu jirta lacag cadaan ah iyo Timir waxa ay hay’addu gaarsiisay naafada xoogga dalka ee ku jira isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo iyagu ka mid ah dadka Caawinaada u baahan.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Maamulaha shirkada Hormuud Foundation Muuse Axmed Nuur oo ka hadlay gaarsiinta deeqda ciidanka Naafada ah ayaa waxaa uu sheegay in maamulka iyo shaqaalaha shirkadda oo is kaashanaya ay go’aansadeen in ay gar gaar u fidiyaan dadka danyarta ah .

“Halkaan walaalayaal saaka waxaa shirkadda Hormuud qaybteeda samafalka Hormuud Foundation ay ku wareejineysa Naafada Xoogga Dalka Xogaa yaroo lacag ah iyo xoogaa yaroo timir ah oo ay u kaalmeestaan Ramadaanka Insha Alaah” ayuu yiri Muuse.

Afhayeenka ciidamada naafada xoogga dalka Soomaaliyeed  Cabdi Mahad Cali ayaa waxaa uu uga mahad celiyay Hormuud Foundation deeqda ay soo gaarsiisay iyo sida ay mar walba u garab taagan tahay dadka masaakiinta ah.

“Waxaan u mahad celineynaa shirkada Hormuud oo bilkasta oo Ramadaan halkaan ka dhigatay joogto in ay timaado lacagtaas sadaxda kun ah iyo wax kasta oo ay gacanta ku hayso halkaaney keentaa mar kasta oo ay samafal sameynayaan, anaga nagama tagaan marka waxaan leenahay Hormuud Hantidaada Kheyr Haatufkagana Kheyr “ayuu yiri Cabdi mahad.

Todobaadkii hore ayay Shirkadda Hormuud  waxaa ay Xabsiga dhexe ee Xamar gaarsiisay gar gaar nuucyo badan leh sida raashinka nuucayadiisa iyo xoolo nool oo loogu talo galay in maxaabiista iyo ciidanka ay ka Afuran Ama Ku Saxuurtaan inta lagu guda jiro bishan Ramadaan .

1 2 3 4 5

Sawir Qaade:- Axmed Cali Kaahiye

Previous Post

Hay’adda Lacagta Adduunka oo shaacisay in maareeynta Maaliyadda Soomaaliya horumar laga gaaray

Next Post

Maamulka Jubbaland oo beeniyay in Calanka Soomaaliya lagu gubay Kismaayo

Next Post
Shir lagu soo xulayo xildhibaanada maamulka Jubba oo Kismaayo ka furmaya

Maamulka Jubbaland oo beeniyay in Calanka Soomaaliya lagu gubay Kismaayo

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In