Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Lacagta Adduunka oo shaacisay in maareeynta Maaliyadda Soomaaliya horumar laga gaaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Lacagta Adduunka oo shaacisay in maareeynta Maaliyadda Soomaaliya horumar laga gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Ibaraahim Fargeeti, Wasiir ku xigeenka Qorshaynta mudane Cabdullahi Sheekh Cali iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise, Saraakiil sare oo ka tirsan XFS ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday  Hay’ada Lacagta Adduunka “IMF”. kulanka oo noociisa markii ugu horaysay la qabtay mudo 25 sano ah kaddib, waxayna Hay’addu qiimayn ku waday mudooyinkan habka uu u shaqeeyo nidaamka maaliyadeed ee dalka xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka “IMF” ayaa ku soo bandhigeen horumarada ay dowladda Soomaaliya ka samaysay dhanka maareeynta maaliyadda labadii sano ee la soo dhaafay, kobaca dhaqaale ee dalka iyo caqabadaha haysta miisaaniyadda dowladda sanadkan 2015.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Laga soo bilaabo sanadkii 1991-kii Soomaaliya waxaa dhibaatooyin balaaran ka haysteen dagaalo sokeeye, dhaqaalo xumo ka sii daraysa, bur bur muuqda oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana dagaaladaas sababeen nolol xumo soo wajahday shacabka Soomaaliyeed, hadaba Soomaaliya waxay u baahan tahay in beesha caalamku ka caawiso dhanka maaliyadda iyo in laga caawiyo kor u qaadida tayeeynta haya’adaha dowlada” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

“Iyadoo xaalada siyaasadeed iyo mida nabad galyo weli ay yihiin kuwo soo kabanaya, hadana Soomaaliya waxaa laga sameeyey horumar balaaran ilaa iyo intii la soo celiyey xiriirkii ay dowladda Soomaaliya la leedahay IMF 12 April 2013, Hay’aduna waxay si muuqata ugu diyaarisay caawin dhanka  farsamada ah iyo kala talin dhanka siyaasadda dhaqaalaha, waxaana diyaar u nahay inaan joogtayno gacan siinta dowladda Soomaaliya”

“Dowladu waxay qaatay talaabooyin muhiim ah oo dib habayn loogu samaynayo horumarka dhanka dowlad wanaagsan, taas oo ay ka muuqato isla xisaabtan dhanka Hay’adaha dowladda, waxayna muhiimad gaar ah u leedahay in dib loo soo celiyo kalsoonida shacabka. Soomaaliya waxay leedahay kheyraad balaaran oo dabiici ah, hadii si wanaagsan loo maamulo wuxuu wax weyn ka tarayaa nabada iyo barwaaqo la gaarsiiyo dalka. Soomaaliya sidoo kale waxay u baahan tahay is faham ku tacaluqa nimaad maaliyadeed oo heer federaal ah, oo ay ka muuqato masuuliyadda ku aadan in adeega la gaarsiinayo dadka, aruurint dakhliga gudaha iyo in si siman loo qaybsado”ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Miisaaniyadda Dowladda Sandkaan 2015, la diyaarshay, iyadoo aysan jirin wax keyd ah, waxaana lagu saleeyey rajo laga qabo deeqaha dibadda iyo in dakhli fiican laga soo xareeyo gudaha. Dakhliga gudaha laga filayey oo yaraaday, kharashaadka baxaya oo kordhay, iyo beesha caalamka oo ka gaabisay balan qaadkii ay ku kabayeen miisaaniyadda dowalada ayaa horseeday caqabado dhanka dhaqaalaha ah, waxayna sababtay in kharashka dowladda la beekhaamiyo.

Ugu danbayntii IMF ayaa sheegtay in dhaqaalo xumada ka jirta dalka ay qayb ka tahay lacagtii shilin Soomaaliga oo meesha ka sii baxaysa iyo isticmaalka doolarka oo aad u badanaya, taas oo sababtay dadka danyarta ah ineysan awoodi hiltaanka doolarka, si kastaba ha ahaatee in lacag la soo daabaco, waxaa ku imaan kara hakad ilaa laga helayo shuruudaha loo baahan yahay, waxayna IMF diyaar u tahay iney Soomaaliya ka caawiso sidii loogu guulaysan lahaa dib habayn lagu sameeyo lacagta Shilin Soomaaliga ah.

 

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq dawo ah lagu wareejiyay “SAWIRRO”

Next Post

Naafada xoogga dalka ee ku jira Isbitaal Martini oo gar gaar la gaarsiiyay “SAWIRRO”

Next Post
Naafada xoogga dalka ee ku jira Isbitaal Martini oo gar gaar la gaarsiiyay “SAWIRRO”

Naafada xoogga dalka ee ku jira Isbitaal Martini oo gar gaar la gaarsiiyay "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In