Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Jubbaland oo ka warbixiyay ammaanka deegaannada hoos yimaada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Jubbaland oo ka warbixiyay ammaanka deegaannada hoos yimaada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Nabad-Sugidda Jubbaland, Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Carab) oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Jubbaland ay qaadeen.

Axmed Carab ayaa sheegay iney Ciidamadu guulo la taaban karo kasoo hooyeen duullaamadii ugu dambeeyay dhulka badan lagala wareegay Ururka Al-shabaab, isagoo tilmaamay markii laga itaal roonaaday iney billaabeen waxyeelleynta Shacabka.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Afhayeenka ayaa soo hadal qaaday Qaraxii dhawaan lagula eegtay gaariga rakaabka ahaa agagaarka Magaalada, kaasoo uu ku tilmaamay iney ka mid tahay falalka naf la caarinimo ee cadawga Al-shabaab.

Wuxuu sidoo kale Axmed Carab sheegay iney gabbaad iyo garab ka helaan Xaasaska halkan u jooga Al-shabaab isla maraakan ay musaafurin doonaan, si uu ugu yaraado dhibta ay bulshada ku hayaan.

“Annaga iyo adinka heshiis ma nihin, col baa na dhexyaalla, dil baan naga dhexeeyo, inta raggiina ay duurka ku jiraan oo ay cadow ku yihiin Jubaland naguma dhax jiraysaan ee intaan la idin soo raadinin magaalada isaga baxa”

Jubbaland ayaa Sanad ka hor sidan oo kale u musaafurisay Lixdameeyo ka tirsan Xaasaska Saraakiisha Al-shabaab oo ku sugnaa magaalada Kismaayo, markaas oo wixii xilligaa ka dambeeyay ay magaaladu noqotay mid xasilloon.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Boliiska Mombasa oo baaraya caafimaadka Saddex dumar ah oo lagu eedeeyay argagixisanimo

Next Post
Boliiska Mombasa oo baaraya caafimaadka Saddex dumar ah oo lagu eedeeyay argagixisanimo

Boliiska Mombasa oo baaraya caafimaadka Saddex dumar ah oo lagu eedeeyay argagixisanimo

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In