Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Koonfur Galbeed oo dhameystiray doorashada Aqalka Sare

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
August 15, 2021
in Wararka
0
Maamulka Koonfur Galbeed oo dhameystiray doorashada Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada  Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ka dhacday doorashada Saddex kursi oo kamid ah Aqalka sare, kuwaas oo ka harsanaa sideeda kursi oo Maamulka Koonfur Galbeed ku matala Aqalka Sare.

Ilaa lix musharax ayaa ku tartmayay Saddexda kursi ee Aqalka Sare, waxaana goobjoog ka ahaa kulanka oo codeynayay 91 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji, kaas oo helay Codad gaaraya  74 Cod halka Musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo  Cabduqaadir Cabdi Axmed , waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleystay  Cali Sheekh Maxamuud Gacal oo helay 68 cod halka musharaxa la tartamayay uu helay 22 cod.

Kursiga ugu dambeeya 8-mudane ee Golaha Aqalka Sare Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku guuleystey Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade)  oo helay 68 cod  halka Musharixii  la tartamey  ee Cabdullahi Roobow Maxamed  uu helay 18, waxaana halaabay laba cod.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana kasii horreeyay maamulka Puntland oo hal Maalim doortay dhamaan 11 kursi ay ku leeyihiin Aqalka Sare.

Previous Post

Cabdiwali Maxamed Ibraahim oo noqday Sanatorkii 8-aad ee kasoo baxay Koofur Galbeed.

Next Post

Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya oo sameeyay howlgal dad lagu qab qabtay

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya oo sameeyay howlgal dad lagu qab qabtay

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In