Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Puntland oo dhaqangelinaya sharci la xiriira marista waddooyinka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Puntland oo dhaqangelinaya sharci la xiriira marista waddooyinka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Maaliyadda ee maamul goboleedka  Puntland iy Laanta Ilaalada Wadooyinka ee Taraafikadda ayaa maanta magaaladda Bosaso uga dhawaaqay inay dhammaan degaannadda Puntland uu 1-da Bisha Maarso si ramsi ah uga dhaqangalayo Sharciga Ganaaxa gaadiidka iyo sharciga Wadamarista.

Buuggan soo saaristiisa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland iyo Laanta ilaalada wadooyinka ee Taraafikada Iiyo Waaxda Cashuuraha beriga W/Maaliyadda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Daahfurka Buuggan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Wasiirka Amniga Puntland, Taliye K/xigeenka Booliska Puntland,Taliyaha Ilaaladda Wadooyinka iyo Agaasimaha Cashuuraha Bariga.

Agaasimaha guud ee Cashuuraha beriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Farxaan ayaa ugu horeyn sheegay in soo saarista Buugan iska kaashadeen saddex wasaaradood oo kala ah amniga,maaliyadda,howlaha guud.

Mudane Cali Farxaan ayaa sheegay oo kale in qorshuhu yahay sidii buuggan degaamadda Puntland 1-da Bisha Maarso si ramsi uu uga dhaqangalayo Sharciga Ganaaxa gaadiidka iyo sharciga Wadamarista.

Taliyaha Taraafikadda ee Ilaaladda Wadooyinka Maxamed Finiin waxaa uu faahfaahin ka bixiyay Sababaha dhaliyay in la soo saaro Sharciga Wadooyinka iyo Buuga cusub ee Ganaaxa Baabuurta.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo ka hadlay munaasabadii daahfurka buuga ayaa sheegay in Ciidamadda ilaaladu wadooyinka ay hoos yimaadaan wasaaradiisu, islamarkaana ay diyaar u yihiin fulinta iyo dhaqangelinta Buuga sharciga ganaaxa Wadooyinka.

Wasiirka Maaliyadda ee maamulka Puntland C/laahi Sheikh Axmed ayaa dhiniciisa xusay in sharciga wadooyinka iyo Buuga Ganaaxu uu yahay qayb muhiim ah oo ka tisan dowladnimadda iyo kala dambaynta.

Buuggan ayaa qeexaya qofka xaqa u leh inuu wado Baabur, Qaabka loo adeegsanayo wadooyinka. Waxaa kaloo sharciga qaybtii ganaaxu uu taabanayaa dirwalada aan haysa laysanka baabuurta,

Sidoo kale baabuurka la dhigo baakino qaldan, baabuurta la buuxdhaafiyo iyo dhamaan baabuurta ku xadgudubta sharciyadda wado marista ee Dowladda Puntland.

Buuggan Sharciyadiisa cusub ee la soo saaray ayaa dhaqangalaya 1-da Bisha Maarso ee sanadkan ,waxaana lagu baraarajuniyaa bulshada iyo gaadiidleyduba iney u hoggaansamaan.

DSC_0319 DSC_0322 DSC_0324 DSC_0328 DSC_0339 DSC_0353 DSC_0366

Previous Post

Isbaheysiga Madaxweyne Xasan Rouxani Oo Guulo ka Gaaray Doorashada Iran

Next Post

Madaxweynaha oo soo gaabiyey booqasho uu ku joogay Djibouti, dibna u dhigay socdaal uu ku tegi lahaa Sweden

Next Post
Madaxweynaha oo soo gaabiyey booqasho uu ku joogay Djibouti, dibna u dhigay socdaal uu ku tegi lahaa Sweden

Madaxweynaha oo soo gaabiyey booqasho uu ku joogay Djibouti, dibna u dhigay socdaal uu ku tegi lahaa Sweden

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In