Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maanlinta Deegaanka Aduunka Oo Maanta Laga Xusay Xaafada Islii “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maanlinta Deegaanka Aduunka Oo Maanta Laga Xusay Xaafada Islii “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad balaaran oo lagu maamuusayey maalinta deegaanka aduunka ayaa maanta lagu qabtay xaafada islii ee magaalada Nairobi gaar ahaan dugsiga hoose ee Eastligh Airbase,waxaana munaasabadasi kasoo qeyb galay mas’uuliyyin uu kamid ahaa xildhibaanka laga soo doorto xaafada islii xildhibaan Yuusuf Xasan Cadbi iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowlada hoose ee degmada kamakunji.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa dhir lagu beeray qeybo kamid ah xaafada islii,iyadoo uu xildhibaanku ku talaalay geedkii ugu horeeyey dugsiga Hoose ee Eastliegh Airbase School.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa sidoo kale xariga ka jaray qeybo cusub oo lagu kordhiyey dhismaha Dugsigan Eastligh Airbase School dhismahaasi oo dhaqaalaha ku baxay ay iska kaashadeen sanduuqa horumarinta degmooyinka ee CDF-ta loo yaqaano iyo xafiiska xildhibaanka,iyadoo la shaaciyey in dhawaan laga hirgalin doono iskuulka dhismaha machad farsamo oo noqon doona kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ay yeelato xaafadan islii.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa ka codsaday bulshada ku nool xaafada islii inay laamaha ammaanka ee dowlada kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa ammaanka xaafadan islii “ kuligeen hal cadow ayeynu leenahay cadawgaas oo ah kan aad kasoo qaxdeen anagana halkan nagu dhibaya kaasoo loo baahanyahay in aynu ka wada shaqeyno sidii aynu isaga qaban laheyn ”

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeyb galay arday farabadan ooo wax ka barata dugsiyada xaafadan islii, waalidiin iyo dadweyne kale ayaa waxaa xildhibaanka lagaga codsaday inuu wax ka qabto dhibaatooyinka soo noqnoqday ee shacabka soomaaliyeed kala kulmaan ciidamada ammaanka ee dalkani kenya iyo in la joogteeyo horumarada noocan oo kale ah ee dhanka waxbarashada.

IMG_0299 IMG_0300 IMG_0317 IMG_0321 IMG_0330 IMG_0334 IMG_0338 IMG_0340 IMG_0352 IMG_0372 IMG_0373 IMG_0375 IMG_0388 IMG_0394 IMG_0399 IMG_0401 IMG_0404 IMG_0439 IMG_0443 IMG_0458 IMG_0471 IMG_0479 IMG_0481

Cabdiraxmaan Cumar Cabdi ( Cabdiraxman Somali )

Warbaahinta Qaranka .

Nairobi Kenya.

Previous Post

Muhiimadda Waxbarashada

Next Post

Taliyaha Hey’adda Nabad Sugida Qaranka Oo Booqday Ceelasha Biyaha Dadka Shacabka Ahna Xogwareystay “Sawirro”

Next Post
Taliyaha Hey’adda Nabad Sugida Qaranka Oo Booqday Ceelasha Biyaha Dadka Shacabka Ahna Xogwareystay  “Sawirro”

Taliyaha Hey’adda Nabad Sugida Qaranka Oo Booqday Ceelasha Biyaha Dadka Shacabka Ahna Xogwareystay "Sawirro"

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In