Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeyaha guud ee maamulka iyo amniga ee garoonka Aadan Cadde oo la magacaabay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maareeyaha guud ee maamulka iyo amniga ee garoonka Aadan Cadde oo la magacaabay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan looga hadlayay dar dargelinta amniga garoonka Aadan Cadde kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garoonka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeennada Wasaaradaha Amniga iyo duulista hawada, Taliyeyaasha ciidamada booliska, nabad sugidda, saraakiil ka socotay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha iyo xubno ka tirsan shirkadda maamusha garoonka ee FAVORI.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadidda amniga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana uu Madaxweynuhu tallooyin ka dhageystay saraakiisha laamaha amniga tallaabooyinka dhanka amni ee horey loo qaaday kadib iskudaygii dhicisoobay ee lagu qaaday diyaaraddii shirkadda duulimadka ee Daalo Airline.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay waqti dheer ku bixisay sidii looga hortagi lahaa falal amniga ka dhan ah oo ka dhaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isla markaana qasaaro gaarsiiya muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadyowga adduunka ee diyaaradaha garoonka ka duula ay u tegaan.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isbedel deg deg ah ku sameysay maamulka garoonka, iyadoo Maareeyaha guud ee maamulka iyo amniga garoonka loo magacaabay Jeneraal Cabdi Abshir Jaamac, kadib wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa armay saraakiisha amniga ee garoonka inay ka hortagaan waxkasta oo Nabadgelyada garoonka Aadan Cadde wax u dhimaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tegay saldhiga booliska ee garoonka Aadan Cadde oo dib u habeyn casri ah lagu sameeyay, isagoo mid mid u galay qeybaha uu ka koobanyahay saldhigga.

 

 

Previous Post

Afar qofood oo ku dhimatay Qarax ka dhacay magaalada Istambul ee dalka Turkiga

Next Post

Madaxweynaha: “Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin”+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha: “Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin”+Sawirro

Madaxweynaha: "Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin"+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In