Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madasha Arrimaha beni’aadannimada oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 9, 2024
in Wararka
0
Madasha Arrimaha beni’aadannimada oo lagu qabtay Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa soo xiray shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) kaas oo looga hadlayay xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka, kana dhacay magaalaa Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug.

Madasha ayaa isku keentay daneeyayaasha muhiimka ah si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo ee dalka ka jira, waxaana diiradda lagu saaray dadaallada ku wajahan la qabsiga saameynta La Nina, xoojinta dadaallada adkeysiga, iyo dib u habeynta qorshaha ka jawaabista baahiyaha bani’aadamnimada (HNRP) ee 2025.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Sidoo kale, shirka waxaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhammaan hay’adaha dawladda, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada, iyo bulshada rayidka ah si loo hagaajiyo howlaha diyaargarowga iyo xoojinta howl-gallada ka jawaabista.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa khudbadiisa xiritaanka shirka si weyn u boorriyay qodobbada laga dooday iyo sida ay madaxda iyo kala qeyb-galayaashaba kaga go’antahay u adeegista dadka danta yar iyo raadin xalal waara oo kama danbeys ah.

Shirkaan waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, wakiilo kale oo ka socda Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, Maamulka Caasimadda, hoggaanka Gobolka Galgaduud, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

 

Previous Post

Dhallinyaro ku xanibneyd Suudaan oo dib loogu soo celiyay dalkooda

Next Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo shirka Guddiga Joogtada ah Warfaafinta Carabta uga qayb galay Abu Dhabi

Next Post
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo shirka Guddiga Joogtada ah  Warfaafinta Carabta uga qayb galay Abu Dhabi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo shirka Guddiga Joogtada ah Warfaafinta Carabta uga qayb galay Abu Dhabi

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In