Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed oo war kasoo saaray damaca Itoobiya ee Baddeena

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed oo war kasoo saaray damaca Itoobiya ee Baddeena
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War qoraal ah oo ka soo baxay Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed ayaa lagu yiri sida tan.

Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed oo ah madal ay ku midaysanyihiin xeeryaqaanka Soomaaliyeed waxa ay qabatay kulan cilmiyeed ku saabsan aragtida sharci ee xadgudbka Dowladda Itoobiya ay ku soo xadgudubtay gobnnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,waxaana laga soo jeediyey aragtiyo sharci,gebogabadiina waxa ka soo baxay qodobadan:-

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

     MADASHU WAXAY CADDEYNAYSAA:

1. In gobonnimada Dowladda Soomaaliya iyo Midnimadeeda dhuleeed ay tahay  lama taabtaan sida ku cad cahdiga Qaramad Midoobay (QM), iyo ururgoboleedyada Midawga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sida ay dhigayaan curfiga iyo xeerka caalamiga ahi.

• In is af-garadka la sheegay in galeen Dowladda Ethiopia iyo Soomaalilaan uu yahay faragalin arrimaha Soomaaliya, taas oo baalmarsan curfiga caalamka, diblumaasiyadda iyo xeerka caalamiga ah.

• In Maalgashiga Caalmiga ah ee Soomaaliya uu nidaaminayo sharci, heshiis kasta oo aan sharciga waafaqsaneyna uusan ahayn heshiis maalgashi.

• In Dowladda Soomaaliyeed ay xaq qaanuuneed u leedahay in ay is difaacdo, sidoo kale in ay Dowladaha xiriirka la leh la kaashato difaaca dhulkeeda si waafaqsan qodobka 51aad ee cahdiga QM, haddii lagu soo xadgubo gobnnimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed.

• In Shareecada islaamka aysan ku bannaanayn in dhulka Muslimka la makaniyo (loo gacan galiyo) cadowga Muslimka,halkaana ay dhibaato ka soo gaarto danahooda masiiriga ah. Waxayna shareecadu qabtaa in xukunka shayga lagu dhiso waxa uu ku danbayn doono, ee aan wax lagu dhisin kaliya waxa hadda jira .MADASHU WAXA AY SOO JEEDINAYSAA: –

1. In Dowladda Soomaaliya aysan marnaba oggalaan tallaabo kasta oo xadgudub ah oo baalmaran xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah taas oo wax u dhimikarta gobonnimada iyo midnimada Soomaaliyeed, cid kasta oo ay ka timaadaba.

2. In dib-u-habayn iyo qaabeyn lagu sameeyo, korna loo qaado tayada howl[1]wadeena xafiisyada sarsare ee dowladda gaar ahaan kuwo la falgala xariirrada dibadda sida Wasaadadda Arimaha Dibadda, wasaaradda cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka iyo Garyaqanka guud.

• Dawladdu waa in laba safiir oo kala duwan u magacowdaa dalalka iyo ururrada xaruntoodu ku taallo dalalkaas si looga fogaado in xubnaha nagu matalaya ururrada maqnaadaan haddii labada dawladadood xiriirkoodu xumaado.

Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelineynaa Dawladda Soomaaliya tallaabooyinka iyo mowqifka ay ka qaadatay ilaalinta iyo difaaca gobannimada, madaxbannaanida, iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda.

Previous Post

Somali President attends IGAD and Neutral Countries meetings amid Ethiopian aggression

Next Post

UAE supports Somalia’s territorial integrity in face of Ethiopia’s interference

Next Post
UAE supports Somalia’s territorial integrity in face of Ethiopia’s interference

UAE supports Somalia’s territorial integrity in face of Ethiopia’s interference

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In