Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran oo Go’aan kasoo saaray Xubnihii ay ku kordhiyeen Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shirka madasha watashiga Qaran oo lagu wado in uu maanta ka furmo Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

MHQ waxay hambalyo u direysa Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo uu u qabsoomay Munaasabadda kulanka Kafadhigooda koowaad oo uu rasmi ahaan ku dhismay Aqalka Sare isla markaana xubnaha labada Aqal ee Baarlamaankana lagu dhaariyey. Waa markii ugu horreysay ee muddo 47 sano ka dib, baarlamaan muddada xilhayntiisi si buuxda usoo dhamaysta oo xilkii Golaha sharcidejinta Qaranka Cusub si dimuqraaddinimo iyo maamuus ku dheehan xilka ugu wareejiyey Baarlamaanka cusub.

Madasha Hogganka Qaranku (MHQ) oo weli ku guda jirta xaqiijinta habsami u dhamaystiridda hawlaha doorashooyinka 2016 iyo u horseedidda heshiisyo u xaqiijin kara midnimada umadda Soomaaliyeed iyo xallinta cabashooyinka uga imanaya bulshooyinka ku nool degaan-doorashooyinka kala duwan ee Dawlad Goboleedyada Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

MHQ ayadoo tixgelineysa ajendooyinka culus ee Baarlamaanka Federaalku horyaal loona baahan yahay in laga horqaado wax walba oo carqaladeyn kara xilgudashadiisa, Madaxda Hogganka Qaranka waxay isku raaceen:

In fulinta doorashada sideed iyo tobankii (18) kursi ee madashu ku kordhisay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka dib loo dhigo ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya codsi rasmi ah degdeg ugu diro Baarlamaanka Federaalka kana codsado in wax-ka-beddel dastuureed lagu sameeyo Qodobka 72-aad ee Dastuurka Federaalka oo xubnaha Aqalka Sare ee BFS oo hadda ah konton iyo afar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare la gaarsiiyo laba iyo toddobaatan (72) kursi, si loogu xalliyo cabashooyinka bulshada ka yimid lagana dhigo ajeendooyinka Baarlamaanka ee mudnaanta koowaad leh.

Ugu dambeyntii MHQ waxay Baarlamaanka 10-aad u rajeyneysaa guul waxayna ku dhiirrigelineysaa inay waajibaadkooda u gutaan si xilkasnimo ku jirto.

Previous Post

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo 40 sano kaddib bilaabaya Horyaalada Maamul Goboleedyada

Next Post

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka oo la kulmay hay’ado iyo deeqbixiyayaal.

Next Post
Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka oo la kulmay hay’ado iyo deeqbixiyayaal.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka oo la kulmay hay’ado iyo deeqbixiyayaal.

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In