Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran oo Go’aan kasoo saaray Xubnihii ay ku kordhiyeen Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Shirka madasha watashiga Qaran oo lagu wado in uu maanta ka furmo Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026

MHQ waxay hambalyo u direysa Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo uu u qabsoomay Munaasabadda kulanka Kafadhigooda koowaad oo uu rasmi ahaan ku dhismay Aqalka Sare isla markaana xubnaha labada Aqal ee Baarlamaankana lagu dhaariyey. Waa markii ugu horreysay ee muddo 47 sano ka dib, baarlamaan muddada xilhayntiisi si buuxda usoo dhamaysta oo xilkii Golaha sharcidejinta Qaranka Cusub si dimuqraaddinimo iyo maamuus ku dheehan xilka ugu wareejiyey Baarlamaanka cusub.

Madasha Hogganka Qaranku (MHQ) oo weli ku guda jirta xaqiijinta habsami u dhamaystiridda hawlaha doorashooyinka 2016 iyo u horseedidda heshiisyo u xaqiijin kara midnimada umadda Soomaaliyeed iyo xallinta cabashooyinka uga imanaya bulshooyinka ku nool degaan-doorashooyinka kala duwan ee Dawlad Goboleedyada Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

MHQ ayadoo tixgelineysa ajendooyinka culus ee Baarlamaanka Federaalku horyaal loona baahan yahay in laga horqaado wax walba oo carqaladeyn kara xilgudashadiisa, Madaxda Hogganka Qaranka waxay isku raaceen:

In fulinta doorashada sideed iyo tobankii (18) kursi ee madashu ku kordhisay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka dib loo dhigo ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya codsi rasmi ah degdeg ugu diro Baarlamaanka Federaalka kana codsado in wax-ka-beddel dastuureed lagu sameeyo Qodobka 72-aad ee Dastuurka Federaalka oo xubnaha Aqalka Sare ee BFS oo hadda ah konton iyo afar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare la gaarsiiyo laba iyo toddobaatan (72) kursi, si loogu xalliyo cabashooyinka bulshada ka yimid lagana dhigo ajeendooyinka Baarlamaanka ee mudnaanta koowaad leh.

Ugu dambeyntii MHQ waxay Baarlamaanka 10-aad u rajeyneysaa guul waxayna ku dhiirrigelineysaa inay waajibaadkooda u gutaan si xilkasnimo ku jirto.

Previous Post

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo 40 sano kaddib bilaabaya Horyaalada Maamul Goboleedyada

Next Post

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka oo la kulmay hay’ado iyo deeqbixiyayaal.

Next Post
Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka oo la kulmay hay’ado iyo deeqbixiyayaal.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka oo la kulmay hay’ado iyo deeqbixiyayaal.

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In