Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad goboleedka Koonfurgalbeed, halkaasi oo ay ku sii qul qulayaan madax dhowr ah.
shirka oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, madaxda hoggaamiyeyaasha Qaranka iyo Madaxda dowlad goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka ah.
Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfurgalbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in si aad loo adkeeyay amniga magaalada, isla markaana ay socoto soo dhaweynta Madaxda ka qeyb galaysa shirka.
๐๐ฎ-๐๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐จ๐๐๐จ๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐
Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha ahna Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...












