Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Asluubta oo kormeeray xasbiga Baydhabo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Asluubta oo kormeeray xasbiga Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdiga uu hoggaaminayo Taliye ku Xigeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa gaaray magaalada Baydhabo waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Qeybta Ciidanka Asluubta Ee Gobolka Baay iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka iyo masuuliyiinta maamulka koofur galbeed waxaana wafdiga loo galbiyay xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Ay Ku leeyihiin Gobolka Baay.

Taliye ku xigeenka ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Cilmi Waasuge Coloow ayaa waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Ee Qeybta Gobolka Baay.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

S/Guuto Cilmi Waasuge Coloow iyo saraakiisha kale ee la socotay ayaa kormeerey xabsiga weyn ee magaalada Baydhabo halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha Qeybta Ciidanka Asluubta Ee Gobolkaasi.

Waxa uu halkaasi warbixino kaga dhageystay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Saraakiisha Ciidanka Asluubta Qeybta Gobolka Bay.

Ujeedka wafdiga ayaa ahaa sidii ay u ogaan lahaayeen xaalada ay ku suganyihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Ee ka howl-gala Gobolka Bay iyo sidii wax loogu qaban lahaa maxaabiista ku xiran xabsiga magaaladaasi oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa tan iyo markii loo magcaabay xilka waxa uu isbadal ku sameeyay dib u dhiska iyo tababarada ciidanka asluubta soomaaliyeed iyo sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta ciidanka.

Waxaa kale oo uu isbadal muuqda ku sameeyay xaalada nololeed oo ay ku sugnaayeen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan ciidanka asluubta soomaaliyeed.

iyo xanaaneynta ubadkii ku dayacnaa wadooyinka magaalada muqdisho oo isugu jiray caseeyayaal iyo kuwa xabagta ama koolada ku dhuuqi jiray gidaarada ama hareeraha wadooyinka magaalada muqdisho ku waasoo gabi ahaanba laga ururiyay fiyaalaha magaalada.

Previous Post

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaranka iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo ka furmaya Baydhabo

Next Post

Ciidamada oo soo qabtay ninkii dilay taliyihii nabadsugidda ee Sh/dhexe

Next Post
Maxaa ku soo kordhay goobihii ay wax ka dheceen? Dhageyso Wariye Cabdi casiis Africa?

Ciidamada oo soo qabtay ninkii dilay taliyihii nabadsugidda ee Sh/dhexe

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In