Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Madax Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ka Qeyb Gashay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka Oo Lagu Qabtay Masraxa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 12, 2020
in Ciyaaraha, Wararka
0
Madax Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ka Qeyb Gashay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka Oo Lagu Qabtay Masraxa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu weynaynayay maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada adduunka oo ku began 12 ka August ayaa caawa lagu qabtay Masraxa xarunta Wasaaradda Warfaafinta, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare, Maamulka Gobolka Banaadir, diblomaasiyiin, Ururrada dhallinyarada Gobolka Banaadir, Bahda isboortiga iyo marti sharaf kale.

Xafladda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayna ka qeyb galeen fanaaniinta Hobollada Qaranka ee Waaberi ayaa ka qeyb galayaasha waxa ay ka sheekeen doorka dhallinyarada dalka looga baahanyahay ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Dhallinyarada xiriirka joogtada ah ee ay la leedahay dhallinta Gobolka, waxaana uu intaa ku daray in dhallinyarada ay door fiican ku leeyihiin saaxadda siyaasadda dalka, loona baahanyahay inay ka qeyb qaataan.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in maanta ay tahay maalinta dhallinyarada adduunka, Soomaaliyana ay gaar u tahay 15-ka May maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dhallinyarada ku boorisay inay noqdaan dhallinyaro isku duuban oo ka shaqeeya horumarintiisa.

Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhallinta uga digay in si qaldan looga faa’iideysto oo ay horseedka noqdaan bur burinta dalkooda, isagoo ku booriyay dhallinyarada inay door weyn ka qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka, ayna ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan xilligan.

Xildhibaan Ikraan Yuusuf Xirsi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegtay in Xildhibaannada Goluhu ay diyaariyeen sharcigii doorashooyinka, Madaxweynuhuna uu saxiixay, loona baahanyahay in dhallinyarada ay door muuqda ka qaataan hannaanka doorashada, ayna ka muuqdaan Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabir” ayaa hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu kula dar daaarmay inay xoogga saaraan waxbarashada oo ay noqdaan dad aqoon leh, muujiyaana doorka hogaamineed ee looga baahanyahay xilligan.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu horeyn hambalyo u dirtay dhallinyarada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta dhallinyarada Adduunka awgeed ayaa tilmaamtay in salaam ay uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka mudnae Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ku saabsan xuska Maalinta dhallinyarada caalamka.

Wasiir Khadiijo ayaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u wakiilatay in uu sahaado sharaf guddoonsiiyo Xaliimo Axmed Yuusuf oo ah Agaasimaha Idaacadda Codka Wadnaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa tilmaamay in dhallinyaradu ay yihiin indhihii bulshada, isagoo ku booriyay inay ka hortagaan cidkasta oo wax u dhimeysa horumarka dalkooda, ayna ku cad goostaan caqligooda iyo cuddudooda oo ay noqdaan hogaamiyeyaasha dalka.

Duqa Muqdisho mar uu ka hadlayay doorashada dadban ayaa sheegay in dhallinyaradu ay marti ka noqon doonaan hogaaminta dalka, loona baahanyahay inay taageeraan in dalkan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay dhallinyarada u tahay fursad soo marta.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya oo soo xiray xafladda ayaa Hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan xuska munaasabadda 12-ka August, waxaana uu Wasiir Khadiija ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay Wasaaradda dhallinyarada iyo sida ay ugu hogaamisay inay xaliso bahda cayaaraha iyo ururrada dhallinyarada.

Wasiir Maareeye ayaa tibaaxay in dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay u dhaqmaan, una fekeraan dhallinyarada caalamka, isagoo dhallinyarada ku booriyay inay ku soo bandhigaan daraasado cilmiyeysan muuqaal baahiyaha Warbaahinta Qaranka.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa dhallinyarada u sheegay inay ka faa’iideystaan fursadaha ay heystaan, ayna muujiyaan kaalinta looga baahanyahay horumarinta bilicda dalkooda.

“Hambalyo ayaan leeyahay kooxda MCC oo ku guuleysatay horyaalka dalka, Hambalyo ayaan leeyahay Wasiirka Khadiija, guuleysta,  waxaan rajeynayaa in hadaladii caawa halkan laga soo jeediyay ay dhallinyarada wax badan ka qaataan oo ay muujiyaan doorkooda hogaamineed” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiir Maareeye.

Previous Post

Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 13-08-2020

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 13-08-2020

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

August 2, 2025
0

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In